/

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Oo Xilkii Laga Qaaday.

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku shaaciyay in Mike Pompeo oo ahaa Madaxii CIA-da uu u magacaabay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, isla markaana uu qaban doono howlo cajiib ah.

Donald Trump ayaa uga mahad celiyay shaqadii uu soo qabtay Mr Tillerson, mudadii sanadka aheyd uu hayay xilka Xoghayaha Arrimaja Dibadda Mareykanka

Sidoo kale waxaa uu xilka CIA-da uu u magacaabay Gina Haspel oo noqon doonta Haweeneydii u horeysay ee xilka CIA loo magacaabo.

Xil ka qaadista Mr Rex Tillerson ayaa aheyd mid lama filaan ah, iyadoo dhowaan uu soo gabagabeeyay booqasho uu ku kala bixinayay dalal ka tirsan Qaaradda Afrika.

Todobaadyo ka hor farriimo Email ah oo ay heshay BBC ayaa muujinayay in Imaaraadka Carabta uu dadaal ku bixiyay in Rex Tillerson xilka laga qaado, kaddib markii uu taageeri waayay go’doomintii Qatar ay saareen Xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *