/

Xildhibaan Dalxa Oo Baa U Diray Maamulada Puntland Iyo Somaliland

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha barlamaanka soomaaliya ayaa Puntland iyo Somaliland ka dalbaday inay inay joojiyaan abaabulka dagaal ee ka socda Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan Labada dhinac.

Puntland Iyo Somaliland ayaa midba mid kale ku eedeeyay in uu duulaan soo qaaday, ayadoona deegaankaas isla markaana masuuliyadeedana uu qadayo.

Xildhibaanka ayaa beesha Caalamka ugu baaqay inay Qeyb ka qaataan Xasilinta Colaada ka Soo Cusboonaatay Deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

8 Bishan Janaayo ayay aheyd markii Markii Maleeshiyo Beeleed ka Amar qaata Maamulka Somaliland ay Duulaan ku Soo Qaadeen Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool, Iyadoona ay u suura-gashay in ay Qabsadaan Deegaankaasi.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *