/

Xildhibaan C/laahi Sheekh Oo Sheegay In Madaxda DF Soomaaliya Iyo D/gabaleedyada Ay Hareer Mareen Dastuurka.

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ay yihiin kuwo lagu hareermaray shaqadii labada Aqal ee Baarlamaanka.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Goobjoog waxaa uu sheegay in sharci darro tahay in shirarka madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay yeelanayaan qodobada ka soo baxa aan la soo marsiin Baarlamaanka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa caddeeyay in Baarlamaanka labada Aqal ay mudan yihiin in la soo marsiiyo qodobada ka soo baxa shirarkaas.

“Howlaha madasha ay qabaneyso waa howlo wadatasho siyaasadeed, wixii go’aamo ah ee ay gaaraan, iyadoo xeereysan waa in baarlamaanka loo gudbiyaa oo uu ka baaraan degaa, laakiin hareer markaan hadda socda oo soo noq noqday wuxuu keenayaa ugu dambeyn in baarlamaanka iyo madasha isku dhacaan, waana arrin u baahan in laga digdoonaado” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ku taliyay in la yareeyo shirarka joogtada ee yeelanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, isla markaana waqti badan uu ku dhumayo.

Golaha Amniga Qaran ayaa shir ay maalmo ka hor ku yeesheen magaalada Muqdisho ka soo saaray qodobo dhowr ah, kuwaasoo sharcnimadooda u baahan in la horgeeyo Baarlamaanka labada aqal si loo meel mariyo, hase ahaatee Golaha Amniga ayaa u muuqda mid la sii wareegaya howlihii Baarlamaanka, si la mid ah sidii Madashii Wadatashiga Qaran ay howlgab uga dhigtay sanadkii u dambeeyay ee Baarlamaankii 9aad.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *