/

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay Shirka Qaybsiga kheyraadka.

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cali Xaashi, ayaa ka hadlay shir ku saabsan Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka Dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Wasiirka Kalluumaysiga XF Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in kulankaasi oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah maamullada Dalka lagu Gorfeyay, sidii looga faa’iideysan lahaa kalluunka iyo sidii barnaamijyo shaqa abuur ah loogu samayn lahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Xaashi ayaa Sheegay in Kulanka ay Nairobi ku yeesheen looga hadlayay wixii kasoo baxay shir ay 10-kii Febaraayo ee Sanadkan ku yeesheen Muqdisho madaxda Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada, kaasoo ku saabsanaa sidii loo wadaagi lahaa kheyraadka Dalka.

“Waxay ku heshiiyeen meeshii saami ahaan wax loo qaybin lahaa in Lacagta oo dhan Bankiga dhexe lagu shubo, oo marka dambe iyagu iyagoo dhan oo wadar ah ay go’aan ka gaadhaan, marka laba arrimood un bay ku heshiiyeen in dakhligaa loo Isticmaali doono, mid waxaa weeye in arrimaha amniga wax looga qabto , tan Labaadna waxa weeye sidii dhaqaalaha waddanka loogu dhisi lahaa’ Ayuu yiri Wasiir Xaashi.

Shirkaan ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii loo balaarin lahaa dhaqaalaha ay Midowga Yurub ku bixiyeen jihaynta Dhallinyaradii ka waantoowday howlaha Burcad Badeednimada ee Soomaaliya, kuwaas oo loo abuurayo shaqooyin u badan Kalluumaysi iyo in loo sameeyo qalabkii ay ku howlgali lahaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cali Xaashi, ayaa Sheegay in Dhaqaallaha Midowga Yurub ugu Deeqay Shaqo Abuurka Dhalinyaradii ka waantoowday Burcad badeednimada oo Awal u badnaa Puntland iyo Galmudug, haatan lagu daray in la gaarsiiyo Maamulada kale si wax badan looga qabto Shaqo Abuurka Dhalinyarada.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *