/

(Sawiro) Kooxda Tottenham Oo Xalay LIX Daqiiqo Ku Burburisay Manchester United

Filed under: CIYAARAHA |

Kooxda Tottenham ayaa garoonkeeda White Hart Lane ku soo dubatay dhigeeda Manchester United kulan lix daqiiqo dhul gariir ah ay Spurs ku kala dhantaashay Red Devils. Tottenham ayaa si deg deg ah ku burburisay hamigii Man United ee ahaa in ay kulankan natiijo fiican kala soo laabto kadib markii ay  Bamidele Alli,Toby Alderweireld iyo  Erik Lamela ay goolal is xig xigay guusha ugu horseedeen Tottenham. Guuldarada soo gaadhay Man United ayaa halis wayn sii galisaysa fursadii ay u haysatay in ay kaalinta afraad ku dhamaysan karto.

Tottenham ayaa garoonkeeda White Hart Lane ku soo dhawaysay kooxda Manchester United, waxayna labada kooxood kulankan ciyaarayeen igaya oo u dagalaamayay laba ujeedo oo kala duwan. Kooxda martida loo ahaa ee Tottenham ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo maanka ku haysay in ay kooxda Leicester City ay 10 dhibcood ka sare martay waxayna ku fikiraysay ay cadaadiska ku sii hayso kooxda hogaanka Premier Leaque-ga haysa ee Leicester City isla markaana waxay ka cabsi qabtay in guuldaro ka soo gaadha Man United ay aasi doonto fursada ay koobka ugu tartami karto.

Dhinaca Manchester United, waxay ku hamiyaysaa in ay kaalinta afraad kula tartanto kooxaha Manchester City iyo West Ham United oo waxayna kooxda Van Gaal maanka ku haysay in guuldaro ku soo gaadha White Hart Lane ay yarayn doonto fursada ay kaalinta afraad ugula tartami karaan Man City oo afar dhibcood ka saraysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *