/

Warbixin:- Dayaca Dadka Reer Xarfo Iyo Daawashada Puntland!!+Daawo

Filed under: Maqaal,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Degmada Xarfo Waxaa ay Ka Mid Tahay Degmooyinka Gobalka Mudug Waxaana Masaafo Dhan 70 KM Dhinaca Bari Ka Xigtaa Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobalka Mudug.

Xarfo Waa Degmo Aad U Baaxad Weyn Marka La Eego Deegaanada Hoos Yimaada, Iyadoona Deegaanada Hoos Yimaada Ay Ka Badan Yihiin 30.

Degmada Ma Laha Isbitaal Weyn Oo Ay Adeegyada Caafimaadka Ka Helaan Dadka Ku Nool Degmada Iyo Deegaanada Hoos Yimaada.

Degmada Xarfo Waxaa Dhawaan Ka Dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka Kaas Oo Galaaftay Nolasha 13 Ruux, Soona Ritay Ku Dhawaad 400 Boqol Oo Ruux.

Dadka Uu Soo Ritay Cudurka Shuban Biyoodka Ee Ka Dilaacay Degmada Xarfo Iyo Deegaanada Hoos Yimaada Ayaa Waxaa Lagu Dabiibayaa Iskuulka Hoos, Dhexe Ee Horyaal, Maadaama Aysan Degmadu Laheyn Isbitaal Weyn Oo Lagula Tacaalo Bukaanada La Daadsan Cudurka Shuban Biyoodka.

Maamulka Gobalka Mudug Iyo Kan Puntland Ayaan Wax Gurmada U Fidin Dadka Uu Soo Ritay Cudurka Shubanka Ee Ka Dilaacay Degmada Iyo Deegaanada Hoos Yimaada, Waxaana Ay Gabeen Doorkoodii Ku Aadanaa Wax Ka Qabashada Cudurka Iyo La Tacaalida Bukaanada U Daadsan Xanuunka Shuban Biyoodka.

Xarfo Waa Magaalada 2-aad Ee Uu Yaalla Kastanka Puntland Ee Gobalka Mudug, waxaana Puntland Uga Soo Xarooda Dhaqaale Fara Badan.

Maamulka Degmada Xarfo Oo Ay Horkacayaan Gudoomiye Bashiir Macalin Daahir Iyo Gudoomiye Ku Xigeenkiisa C/laahi C/salaan Oo Garab Muuqda Ka Helay Isbitaalka GMC ‘Dhaga-cadde’ Iyo Dhakhaatiir Kale Oo Ka Kala Socda Jaamacadda Bariga Africa Iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Aan Buuxin Doorkeedii Looga Baahnaa Ayaa U Guntaday Wax u qabashada Dadka Uu Soo Ritay Cudurku Iyo Wacyi Galinta Dadka Degmada Iyo Deegaanada Hoos Yimaada.

Dhanka Kale Degmada Xarfo Ee Gobalka Mudug ayaa Marti Galinaysa Boqolaal Qoys Oo Reer Guuraa Ah, kuwaas Oo Ka Soo Cararay Abaarta Iyo Colaadaha Ka Jira Gobalada Hiiraan Iyo Galgaduud.

Dadkan Ayaa Wata Xoolo Aad U Liita, Mana Wataan Owr Ama Dameero Ay Ku Soo Dhaansadaan Biyaha.

Maamulka Degmada Xarfo Oo Garab ka Helaya Dadka Deegaanka Ayaa U Istaagay In Ay Caawiyaan Dadkan Reer Guuraaga Ah Ee Ka Soo Hayaamaya Gobalada Hiiraan Iyo Galgaduud, Iyagoona U Geynaya Biyo Iyo Raashin.

Puntland Iyo Dowladda Federaalka Oo Ka War Haya Xaalada Xarfo Iyo Deegaanada Hoos Yimaada Ayaan Wax Gurmad Ah U Soo Fidin Dadka Iyadoona Dadkana Halis Ugu Jiraan in ay Waayaan Cuno Ay Quutaan, Maadaama Ay Yar tahay Tabarta ay Wax Ugu Qabanayaan Dadka Reer Xarfo Iyo Maamulkooda.

Halkaan Hoose Ka Daawo Warbixin Uu Ka Diyaariyay Wariye Abdirashiid Abdullahi Warsame.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *