/

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Bilaabay Ka Doodista Arrinta Qalbi-dhagax (Daawo Sawirro)

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa furmay, iyadoo la guda galay ajandaha kulanka oo ah ka doodista qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Kulankan ayaa ku furmay jawi wanaagsan, waxaana shir guddoominaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Illaa 157 Xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka oo markii hore ku furmay, waxaa laga yaabaa inay intaas ka sii bataan, sida howl wadeenada Baarlamaanka ay sheegayaan.

Dooda Xildhibaanada ayaa durba bilaabatay, iyadoo ay is qoreen Xildhibaano fara badan, si ay kiiskan uga doodaan.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaan walba siinaya waqti uu aragtiidiisa uga dhiibto, iyadoo mid mid loogu yeerayo.

Xildhibaanada ayaa ah kuwo si aad ah ugu kala aragti duwan kiiska C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa mid labadii todobaad ee la soo dhaafay si aad ah u saameeyay howlihii hey’adaha dowladda.

Warar ku dhow dhow Baarlamaanka ayaa sheegaya in laga yaabo in marka Xildhibaanada dooda dhameeyaan in arrinta loo xil saaro Guddiga joogtada Golaha shacabka, halka warar kalena ay sheegayaan in kiiskan maanta lagu soo afjaro.

Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa Baarlamaanka u gudbisay illaa 15 Hindise sharciyeed oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada, hase ahaatee waxaa laga hormaray ajandaha ka doodista arrinta Qalbi Dhagax.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

kulan2-768x432 kulan1-768x432

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *