/

War Deg Deg Ah:- Rabort Mugabe Oo Laga Eryay Hogaanka Xisbiga Talada Haya Ee Zimbabwe

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Robert Mugabe ayaa hogaamiye u ahaa Xisbiga Zanu-PF, waxayna ka Ceyriyeen Gudoominta Xisbiga, iyagoona Guddoomiye ka dhigtay madaxweyne kuxigeenka hore ee Zimbabwe, Emerson Mengagawa.

Arrintaan ayaa cirka kusii shareereysa xiisadaha Siyaasadeed ee ka jira Dalka Zimbabwe, maadaama uu ku jiro Gacanta Militariga talada la wareegay.

Mugabe ayaa ceyriyay ku xigeenkiisa laba todobaad ka hor, kadib markii la sheegay in uu dambay in Xilka uu ka wareejiyo Marwadiisa Grace Mugabe, waxaana arrintaan fara geliyey Militariga dalkaas oo Talada la wareegay, isla markaana Xabsi Guri Geliyey Mugabe.

Tobanaan kun oo reer Zimbabwe ah ayaa Sabtidii ka tagay Caasimadda Harare iyo magaalo waaweyn oo dalbanaya in Mugabe ka tago madaxtinimada.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *