/

War Deg Deg Ah:- Madaxweynaha JFS Farmaajo Oo Soo Gaaray Gaalkacyo.

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafti Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa Goor-dhaweyd Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Madaxweynaha ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Puntland Iyo Galmudug, Xubno ka Tirsan Labada Maamul, Taliyaha CXD, Guddoonka Maxkamadda Sare Ee CQS, Xubo ka Tirsan Labada Gole ee DFS Iyo Bulsho aad u fara-badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa Waxaa Waftigiisa ka mid ah Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka, La Taliyayaal ka Tirsan Xafiiskiisa, Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Gaas ayaa ka soo Horeeyay Madaxweynaha JFS Farmaajo, Isagoona Goor hore ka Soo Degay Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa inta uu ku Sugan yahay waxaa uu kulam la qaadan Doonaa Isimida Waxgaradka iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada Gaalkacyo oo u qeybsan Labo Dhinac.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *