/

War Deg Deg Ah:- Baarlamaanka Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Xeerka Dalka Looga Mamnuucay DP World.

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Magaalada Hargeysa ee Soomaliland waxaa Maanta kulan ku yeeshay Golaha Wakiilada Maamulkaas,kulankas oo ahaa mid ay uga jawaabayeen in saameynta uu ku yeelan karo xeerkii Soomaaliya looga mamnuucay Shirkadda DP World.

Kulanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golahaas Baashe Maxamed Faarax,ayaa Goluhu waxa ay sheegeen in Go’aankii shalay ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya uusan sameyn ku yeelan doonin isla markaana waxba ka quseyn.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa intii uu kulanku Socday Isla qiray in Somaliland ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya, maadama ay Xornimadoodii kala soo laabteen Sanadkii 1991-dii.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shalayto ansixiyay Xeer dalka Looga Mamnuucay Shirkadda DP World, kaasi oo loogu Magac-daray “Dhowrida Gobonimada iyo Madax banaanida Geyiga Soomaaliya”, Iyadoona Maanta la Hor-geynayo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaana hadii ay Ogalaadaan loo Gudbin Doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo leh Saxiixa ugu dambeeya ee Dalka Looga Eryayo Shirkadda DP World.

Xiisada ka Dhalatay Heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee Dubai ku dhex Maray Shirkadda DP World, Maamulka Somaliland Iyo Dowladda Itoobiya ee Dhigayay Saami-qeysiga Dekedda Berbera ayaa Muddooyinkii ugu dambeeyay sii Kordhaysay, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya Heshiiskaasi ku Tilmaamtay mid Sharci Darro ah, oo Xad-gudub ku ah Qaranimada iyo Madax-banaanida Soomaaliya.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *