/

War Deg Deg Ah:- Ahlu-sunna Oo Goor-0dhaweyd Sii Deysay Gudoomiye Xaliimo Yareey

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Maamulka Ahlusunna ayaa goor-dhaw Xabsi Guri kasii daayay Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya oo saacadihii la soo dhaafay ku xirneed Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Qaar ka mid ah dadkii la xirnaa Guddoomiye Xaliimo yareey ayaa xaqiijiyay in hadda la sii daayay, sidoo kalane ay xuriyadooda ay heleyn Darawalkeedii iyo dad kale oo la socday oo ay Ciidamo ku jireen.

Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa la sheegay in maalinta Isniinta ee todobaadkaan ay ka sii bixi doonto Dhuusamareeb, ma jirto wax war ah oo ay Warbaahinta siisay markii la sii daayay, balse waqtiyo kala Duwan oo aan la xariirnay ayaa waxay noo xaqiijisay in Xabsi guri la geliyay.

Maamulka Ahlusunna oo dhawaan la midoobay maamulka Galmudug ayaa wali u dhaqma sidii Maamul Gaar ah.

Ahlusunna ayaa wali, waxaa u xiran ilaa 5 qof oo kale oo ay habeen hore ka qabtayn dhuusamareeb kuwaas oo ahaa Dumar caan ka ah magaalada lamana oga sababta loo heesto dumarkaasi.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *