/

Uhuru Kenyatta Oo Mar Kale Loo Dhaariyay Madaxtinimada Dalka Kenya (Daawo+Sawirro)

Filed under: Video,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Uhuru Kenyatta ayaa makale loo dhaariyay madaxtinimada dalka Kenya kadib markii uu kuguuleystay doorasho kucelis ahayd oo dhamaadkii bishii hore ka dhacday dalka Kenya.

Xaflada dhaarinta Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisii William Ruto ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad gaarayay lixdan kun oo ruux iyo madax ka socotay labaatan dalna waxa ay goobjoog ka ahaayeen munaasabada dhaarinta oo ka dhacday garoonka kubbada cagta ee magaalada Nairobi.

Madaxweyne Kenyatta ayaa waxaa dhaariyay xaakimka sare David Maraga oo ahaa xaakimkii laalay natiijada doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa caleemo saarka Kenyatta ku tilmaamay sidii boqor isaga isku caano shubay oo kale, waxayna taageerayaashiisa banaanbaxyo ka dhigeen afaafka hore ee garoonka ciyaaraha ee xaflada caleema saarka ka dhacaysay.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso.

 

Sawirro.

DHAARINTA-1 DHAARINTA-2 DHAARINTA-3 DHAARINTA-4 Kenyatta1

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *