/

Soomaali degen Denmark oo gurigiisa qaraxyo laga helay (Warbixin)

Filed under: Waraka Maanta |

Booliska Denmark, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu yahay Somali, kaasi oo gurigii uu deganaa laga helay waxyaabaha qarxa, sida ay sheegayaan Saraakiil Booliska ka tirsan.

Ninkaan ayaa waxaa la geeyay maxkamad ku taal Magaalada Aarhus ee Bariga dalka Denmark, waxayna Maxkamada amar ku bixisay in muddo 4 isbuuc ah jeelka lagu sii haayo, si Booliska ay u soo dhameystiraan macluumaadka baaritaanka.

Ninkaan Somaliga ah oo Booliska aysan shaacin magaciisa sababo ku aadan Baaritaanka ku socda, ayaa dhismihii uu deganaa laga helay walxo qarxa, taasi oo keentay tuhunka weyn ee galay ciidamada Booliska.

Boliska ayaa la sheegay inay sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen si ay u qabtaan Ninkaasi oo diiday inuu ka soo baxo Dhismihii uu ku jiray.

Afhayeenka Boliska Denmark, Rene Raffo ayaa u sheegay Wargeyska Metroxpress inay u baahan yihiin waqti kooban si ay u wataan baaritaankooda.

Afhayeenka waxa uu sheegay inay ka shakisan yihiin qalabka ay ka heleen Dhismaha uu deganaa Ninka Somaliga, wuxuuna xusay inaysan xilligan haynin caddaymo muujinaya inuu Kiiskaasi ku lug leeyahay fal argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *