/

Senator C/raxmaan Faroole Oo Si Kulul U Weeraray Madaxweynaha Puntland (Daawo)

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Madaxweynihii hore ee Puntland ahna haatan Senator ka tirsan Aqalka sare ee Baarllamaanka Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Faroole, ayaa Si Kulul ugu Hadlay Weerarkii Somaliland ku qabsatay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool iyo Hanjabaadaha Labada Dhinac ay isku Marinayaan Warbaahinta.

Senator Faroole ayaa Sheegay in Somaliland ay Ku Soo Qaaday Deegaanka Tukaraq oo ahaa Saldhiga Gobalka Sool ee Puntland, Duulaan Fool-xun Xili uu Garoowe ku Sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasina ay tahay wax laga Xumaado.

C/rixmaan Faroole ayaa ugu Baaqay Maamulka Somaliland uu Baneeyo Deegaanka Tukaraq oo ah Deegaan ay Ka Arrimin jirtay Puntland, Isagoona Sidoo kale Masuuliyiinta Puntland iyo Somaliland u soo jeediyay in ay Joojiyaan Hanjabaadaha ay Hawada isku Marinayaan.

Dhinaca kale, Senator Faroole ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu sheegay in aan loo baahneyn in uu shacabka ku kiciyo Dagaal aan dhab ka aheyn, isagoona intaasi Sii raaciyay in uusan weli Difaacin Dhul, maanta oo Xukunkiisii dhamaad yahayna aan laga yeeleyn kicin Dadweyne iyo Dagaal been ah.

Halkaan Hoose Ka Daawo.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *