/

Sedex saxiix oo mustaqbalka Wenger xaqiijin karta si uu usii joogo Gunners oo la ogaaday

Filed under: CIYAARAHA |

Arsenal ayaa u gaarsan doonta saxiixa Cayaariyahan Granit Xhaka ka hor bilowgii xilli ciyaareedkan, in kasta oo ay jiraan Kooxo badan oo doonaya saxiixa Cayaariyahanka.

Tababaraha Kooxda Gunners ‘Arsene Wenger ayaa wakiilo u dirsan doona todobaadka danbe xiddiga Kooxda Borussia Monchengladbach Xhaka.

Macalinka reed Faransa ee Wenger ayaa sidoo kale isha ku haya saxiixa Cayaariyahanka khadka dhexe ee Kooxda Real Madrid iyo xulka Germany Toni Kroos, kaasi oo ay su,aalo ka waydiiyeen helitaankiisa ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga danbe, xilli ay soo bandhigeen qiimo lacageed gaaraya  £ 30-million uero.

Kooxda Kubada Cagta ee Arsenal ayaa dhanka kale qorshaynaysa inay wada xaajood la gasho Kubad Joojiyaha Kooxda Southampton Victor Wanyama kaasi ooh ore loga soo diiday aduun dhan £-million oo ginni.

8-4

hayenews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *