/

Sacuudi Arabiya iyo Iiran oo ku Guuldareystay in ay Heshiis ka Gaadhaan Gudashada Xajka

Filed under: DIIN,Warar |

Saudi Arabia iyo Iran  ayaa ku guuldareystay in ay heshiis ka gaadhaan sidii ay  Iiraaniyiintu u soo gudan lahaayeen xajka sannadkan , iyada oo masuuliyiinta labada dhinac is dhaafsadeen eedeymo ah cidda iska leh eedda ah in la is mari waayo.

Saraakiisha Sacudiga ayaa ku eedeeyay dhiggooda Iiraan in ay isaga baxeen jimcihii wadahadalkii,inkasta oo ay sheegeen in ay jireen xalal loo soo bandhigay dalabyo Iiraan wadatey.

Qoraal ka soo baxay wasaarada Sucuudiga u qaabilsan arrimaha xajka ayaa lagu sheegay in ay Iiraan qaadi doonta Ilaahay hortii masuuliyadda ah in ay dadkeedu awoodi waayaan in ay soo gutaan xajka sannadkan.

Waxa uu qoraalku intaa ku darey in hoggaanka Sucuudigu ku adkeysanayo diidmadiisa ah in aan la siyaasadeyn gudashada xajka.

Saeed Ohadi, oo ah madaxa xafiiska qaabilsan arrimaha xajka ee Iiraan ayaa isna hore ugu sheegay telifishanka Iiraan in aaney dawladdiisu u direyn xujaaj Sucuudiga haddii aan la dammaanad qaadin ammaankooda.

Waxa kale oo uu Saciid Ohadi sheegay   in  saraakiisha Sucuudiga oo aan laheyn go’aan mideysani sabab u tahay dib u dhaca.

Sannadkii hore ayay aheyd markii boqollaal xujaaj ahi ku dhinteen Makka markii uu dhacay is jiidhjiidh. Iiraan ayaa sheegtay ay ugu 460 xujaajtaasi  dhimatey ahi ahaayeen Iirraniyiin.

Sucuudiga ayaa sheegay in lagu heshiiyay in ay diyaaradaha suciidga iyo kuwa iiraan si siman u soo daadgureeyan xujaajta xajeysa.

Haseyeeshee taasi ayaa ka soo horjeeda wararka ka imanaya iiraan ee sheegaya in diyaaradahooda loo diiday in ay galaan sucuudiga.

Inkasta oo uu jiro is mariwaa, haddana Sucuudi Arabiya waxa ay sheegaysaa in ay had iyo jeer diyaar u tahay in ay gacan siiso Iiraaniyiinta soo gaadha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *