/

R/wasaare Kheyre Oo Kulan La Qaatay Ganacsatada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyl, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah Gacansatada Soomaaliyeed, waxayna ay kawada hadleen arrimo badan oo dhaqaallaha dalka ku saabsan.

Ra’iisul wasaaraha iyo Ganacsatada uu la kulmay ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira bixinta Canshuuraha iyo qaabkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen kor u kaca dhaqaallaha dalka.

“Aniga iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre waxaan la kulanay Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ka wada hadalnay bixinta Canshuuraha, Ganacsatada waxay mudan yihiin qadarin, waana muwaadiniin ka soo qeyb qaatay dib u dhiska dalka iyo horumarka la gaaray, wadashaqeyn ayaan dhammaan ku horumari karnaa” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Maalmahan waxaa jiray isqab qabsi u dhaxeeyay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, kaasi oo la xiriira in ganacsatada ay sheegeen in aysan sharci aheyn Canshuuraha laga qado.

Sawirro.

IMG-2928-631x420 IMG-2929-640x426 IMG-2930-631x420 IMG-2931-631x420

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *