/

Ra’iisulwasaare Kheyre Oo Uga Qeyb Gelaya Magaalada New York Shirka Sanadlaha Ah Ee Qaramada Midoobay

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Todobaadka soo socota u kicitimaya magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu waday in shirkan uu ka qeyb galo markii u horeysay isagoo Madaxweyne ah, ayaa uga baaqday sababo aan la shaacin.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Shabakadda HayeNews.com in maalinta Axada ee soo socota uu u duuli doono magaalada New York.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey uu ka jeediyo khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo is bedeladii dalka ka dhacay horaantii sanadkan, kaddib doorashadii Madaxweynaha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay New York kaga qeyb galaya shirar gaar gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhinac furmaya shirka Golaha guud, waxaa uu kaloo la kulmi doona Madaxda kala duwan.

Ugu dambeyn shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa looga hadli arrimaha ka taagan caalamka, arrinta qatarta Waqooyiga Kuuriya ee tijaabinta gantaalada iyo arrimo kale.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *