/

Qurmo Muhiim Ah:- Madax Dalal Kale Xilka U Haya Soomaaliyana Xukuma!!+Akhriso

Filed under: Maqaal,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)- […DHallin-Yarada askarta u ah guumeysiga dalka soo galay iyo ummaddooda lagu soo duulay labadaba waxay u haystaan muwaadhaniin Soomaali ah!!]

Dadka  ma waxay  wali shaki ka qabaan in dalkeenii la qabsaday!…. Mise waxay rumaysanyihiin in waxa Beesha Caalamaka isugu yeeray  dalka wax ku leeyihiin (Globalization)?…. oo yaa dalkiisa la leeyahay?! Qarammada Midoobay, maxaad ka rumaysantahay?!….Michael Keating  muxuu kuu dooriyaa ra’iisal wazaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn Boshe oo aad uga shakin la’dahay?!…..Midowga Immaaradaha  Carabta, maxay dekedahaaga duulaan ugu tahay?!….. Maxaa dalalka deriska ah dadkooda  meel  walba u soo degeen adna aad dow ugu yeelan weyday inaad diido?!….Maxaa ciidan laguugu diiday inaad yeelato  oo sal-dhigyo dalkii looga samaystay?!…..Maxaa  calanka dalal kale dugsiyada looga saaraa oo loogu heesaa ?!….Maxay Hargeysa u degeen  Itoobiya iyo Ingiriis dadka Soomaaliyeedna u diiday?!….Maxaa doorashooyinka Somaliland waxa Beesha Caalamka loogu yeero u maal  gelisaa oo kor joogtada ugu soo dirsataa?!…..Kuwa aan madaxda u naqaan maxay dadka isugu keeni  l’ayihiin oo gogol nabadayn iyo dib-u-heshiisiin u dhigi la’yihiin?!……Maxaa heshiisyo  danaha dalal kale u adeegaya annagana ina duminaya maalin kasta loo gala?!…..Xataa ma lihin lacag, oo shillinkii Soomaaliyeed ma jiro; meelaha qaarkoo waxaa la isticmaalaa Birr-ka Itoobiya, meelo kale shilinka Kenya, meelo kale Djibouti Franco, meelo  kale Dollar-ka Maraykanka!…..iyo tan ugu daran ciidammadii dalka lagu qabsaday (AMISOM)baan ammaan inay keenaan ka sugaynaa…

 

Haddaad isku daydo inaad weydiimahaas ka jawaabto waxaa hubaal ah inaadan ku farxayn wax kasta oo ay jawaabtu noqoto!.. hadda waa wax kasta!….taas macnaheeda waxaa weeye inaadan arkayn wax laynooga tegay oo aan si buuxdo u leennahay 100% dal iyo dad dhan oo jira sidaan u ahayn! Cibaaro!… kaaga daranee wali annagii baaba isu muuqanna!…Kaaga daranee DHallin-Yarada  dalkooda uu asaagood sidaas ugu soo bareeray wali kuma baraarugin in dalkooda baahida uu maanta u qabo inay xoreeyaan ay ka badantahay baahidii uu xilligii gumeysigii hore u qabay!…… Kaaga daranee sow wax lala yaabo ma aha aamusnaant Odayaasha-DHaqanka?!……Kaaga daranee  Odayaasha-DHaqanka, inay iyaga isu  yimmaadaan oo beelo-beelo ka soo gudbaan oo madaxdii  dadkooda  midayn lahayd noqdaan maxaa u diiday?!…. DHibaatada uu guumeystaha magacyada badan u geysto dadka iyo dalka waxaa eeddeeda qaadaya  Odayaasha-DHaqanka, maxaa  yeelay wax kasta oo dan ah oo guumeysigu ka yeesha dalka iyagaa loo soo maraa, daabka mindiyaha iyo gudmaha dalka lagu duminayo gumeysiga iyaga ayuu ka dhigtay….SHarci baa la ansixinayaa Odayaasha-DHaqanka baa saxiixaya, hadda ogow waa sharcigii

guumeysigu ku xalaalaysanayay  dantiisa  guracan ee guumeystanimo, waa sharcigii uu ku keeni lahaa madax xilka isaga u haya Soomaalidana u xukuma!…. waa  shrciga hadaba  guumeystayaasha cusub askarta uga dhigay  dhallin-yaradii dalka ka difaaci lahayd, waa  sharciga  hadaba  siiyay  sal-dhigyada, waa  sharciga  siiyay dekedaha  dalkii,  waa sharciga baneeyaya in heesaha calankooda ardayga Soomaaliyeed uu qaado!…..

Dhab

[Gumeysigu markii uu dalka soo galay Odayaashii DHaqanka mushaar buu u qoray,  iyagana askar bay u qoreen, laakiin maanta siyaasiyiin iyo askarba waa loo qoray!]

Odayaasha-DHaqanka,  in wax ka khaldanyihiin waxaad ku garanaysaa intii burburka uu dhacay, shir  kasta oo ay galeen waxaa u qabtay waxa Beesha Caalamka loogu yeero, waxaana xusuid mudan in shir  kasta oo  laysagu keeno ay kala  qayb galayeen  niman loogu talo galay inay sii bartaan oo la sii oggoleysiiyo si looga dhaadhiciyo inaysan dibadda ka keenin  siyaasi ama qof mas’uul ah oo  uusan dal shisheeye (Guumeyste)  wadan ama uusan daba taagnayn oo uusan gadaal ka riixayn. Taasi waxay horseeday in la  go’doomiyo dalka wax garadkiisii, iyo qofkii ummadda iyo dalka wax ku ool u noqon lahaa  iyo in Odayaashii-DHaqanka  qofka ay soo xulayaan uu noqdo raggii shirarka lagu baray ee uu guumeystuhu watay iyo raggaas qof ay wataan ama ay keensadeen oo la shaqayn kara!….taasina waxay keentay in maalin kasta muddo 27sano arrimah siyaasadda dalka ay meeshoodii taagnaadaan ilaa dalkii gacanteena laga  saaray, ama lahaanshaheenna  dalka uu annaga laf ahaanteenna shaki  innaga galay!… waxaana sida hadda la fahmi karo adkaanaysa in waayahan uu dalka madax ka noqdo muwaadhin ka madax banaan guuumeysiga haddii aysan  odayaasheenna  garan siday u fekerayaan guumeystayaasha  duulaanka ku soo qaaday dalkeena.

 

Dabayaaqadii qarnigii 18aad markii ay guumeystayaasha soo galeen dalka  labo qaybood oo siyaasadda guumeysiga diidanaa ayaa xilligaas  xoog lahaa bulshadana ay ku kalsoonayd kuwaasoo ahaa; Odayaasha-DHaqanka iyo Culumaa’u  Diinka  oo iyagu waqtigaas ahaa kuwa sameeya  qaabka nolol maalmeedka  bulshada Soomaaliyeed, inta badan dadkuna waxay walaac ka qabeen in dad qalaad oo aysan  sinji,  midab, af, dhaqan iyo diin wadaagin dalkoodii soo galeen, taasina waxay gelisay walaac  iyo feejignaan, ujeeddada immaatinkoodana waxay u qaateen inay  dhacayaan ama boobayaan khayraadka dalkooda, hantida dibad yaalka ah iyo midda dhulka uurkiisa jiifta waxayna dareemeen ammaan daro..…Si uu arrintaas u qaboojiyana guumeystuhu wuxuu markii hore soo dhoweystay Odayaashii-DHaqanka, si uu kalsoonidooda u kasbadana wuu u madax weyneeyay oo wuxuu weydiistay inay iyaga askarta u soo qoraan iyo inaan la qorin cid aysan iyaga damiin ka noqon haddii ay askarinimo tahay iyo haddii ay shaqo kale tahayba wuxuuna u qoray mushaar….laakiin intaas oo soo dhoweyn ah waxaa ka weynaa  oo guumeystaha  berrigaas aysan fahmin  tuhunka laga qabay iyo xasaasiyadda  dhaqankooda laga qaaday inta ay la ekeyd. Askarta loo qoray iyo Odayaasha-DHaqankana waxay ka  sinnaayeen  guumeysi  nacaybka, sidaas daraadeed Odayaasha-DHaqanka  iyagoo mushaar ka qaata guumeystaha hadana iyagaa wali u talinayay wiilasha ay guumeystaha askarta uga dhigeen!…

Hasa yeeshee  hadda waxaa qaabka nolol maalmeedka mujtamaca Soomaaliyeed sameeya Aqoonyahan,  horumarka  farsammada iyo tiknoolijyada cusub waxay iyagana  kaalin ka qaateen  in dhaqankii gumeysiga la barto iyadoo taas cilmi iyo aqoon ahaan dadka loo fahamsiiyay, isla markaasna waxayna horseedeen in badan oo bulshada ah oggolaadaan dhaqankaas , wuxuuna u xoog sheegtay dhaqankii soo jireenka ahaa ee ummadda, iyadoo ay taas hormuud ka yihiin nimanka aqoonyahanka ah oo iyaga lagu soo raray dhaqankii  iyo hab nololeedkii guumeystayaasha, waxayna in badan oo iyaga ka mid ah noqdeen buundada isku xirta  guumeystayaasha iyo dadka  isla markaasna waxy ku guuleysteen in nidaamkii dalka lagu guumeysanayay  ay dadka ka dhaadhiciyeen inuu yahay habka dowlad wanaagga ee dal lagu xukumo, waxaana taas cadayn u ah sida dhib la’aanta ah ee maalin kasta dalka gacanta ummada uga sii baxayo una sii gelayo gacmo shisheeye!….

Sidaas daraadeed DHallin-Yarada burburka ku hana qaaday ee shisheeyuhu askaraystay waxay u haystaan SHiheeysaha iyaga qortay ee ay askarta u yhiin iyo ummaddooda lagu soo duulay  inay labadaba yihiin muwaadhaniin Soomaali ah!!… Waxaana arrinta sii bari-taaray nidaamka wax-barasho ee dalka ka jira oo isaga laf ahaantiisa ay marin habaabiyeen nimankaas markii ay horseed ka noqdeen in barayaal shisheeye ah in ku dhow 80% loo gacan geliyo dugsiyadii dalka isla markaasna manhajkii wax-barashada dalka ku bedeleen mid laga soo qaaday dalal shisheeye iyadoo aan la hubin saameynta uu leeyahay ama  sida uu ugu haboonyahay ardaydeenna! Dabeecadda noocaas ah waxay  keentay in DHalin-Yaradii loo adeegsado oo lagu handado dadkii ay difaaci lahaayeen ama ayaga looga cabsan lahaa oo ay ilaalin lahaayeen!……

Sida uu ii sheegay nin ku dhex jira nidaamka wax-barashada dalka ka jirta dugsiyada qaybo badan oo ka mid ah waxaa manhajkooda laga soo qaatay dalalka deriska ah, inta badan macalimiintana waxaa laga keenay dalka Kenya. Waxaa iyagana habkaas oo kale adeegsaday qaar ka mid ah aqoonyahanka oo iyagana meelo badan oo wadanka ka mid ah ka dhaqan geliyay mashaariic huwan magac Same-Fal, hay’ado aan dowli ahayn (NGO), hay’ado Cilmi Baaris, Bulshada Rayadka ah, ururada u dooda Xuquuqda  aadannaha, Xuquuqda Haweenka, ilaa ay suuro gal noqotay in guryaheennii la galay, Odayaasheenii-DHaqanka ay shisheeye  shiryaan, dekedaheenii la gorgoriyo hadana ay taagantahay niman xubno ka ah golayaasha dowladda Soomaaliyeed ay u shaqeeyaan oo mushaar ay kqaataan dowlado shisheeye !….siiba  kuwa dalka duulaanka ku ah!….

[Dekedda Boosaaso ma la duminayaa mise waa la dhisayaa?!]

 

 

Ardaydii  lama barin dalka inay iyaga leeyihiin, lama barin iyaga iyo dadka iyo ciidda waxa ay isu yihiin, lama barin taariikhda dalkooda, lama barin dunida iyo dalkooda, lama barin waxa dowladnimmadu tahay iyo halgankii laga soo maray, lama barin mooska macaanka iyo udugga badan ciidda uu ka baxay inay dheefsatay dhiigii awoowayaashoodii gobanimmada iyo xoreynta dalka u dhintay,  markaasaa Maraykanka iyo Midowga Immaaradaha Carabta askar ka qorteen…. DHallin-Yaradii xilligii Isticmaarka uu guumeystuhu  askarta ka qortay  amar kama aysan qaadan jirin guumeystaha waxayna ogaayeen waxa uu yahay laakiin kuwa maanta jooga  ee burburka iyo kala qoqobnaanta dadka iyo dalka indhaha ku kala qaaday isla markaasna aan nasiibka u helin cid wax u sheegta waxay ka amar qaadanayaan cidda qoratay ee mushaarka  siisa, ee madax-weynaha keenaysa, ee xil-dhibaanka keenaysa, ee odayaashooda shirinaysa hadday doontana dhammaantood kala erinaysa!….

Waxaa  hubaal ah in layna sahansaday, in rag badan oo uu shisheeye soo samaystay, oo uu soo tuntay, oo uu soo toostoosistay  laynagu dagay!…waana sida maanta dalkeena u egyahay!….wixii aan lahayn oo dhan waxaa  laynooga  dhigay wax xun…Odayaasheenii-DHaqanka  waxaa la yiri waa reer  miyi, Culumaa’u diinkii waxaa la yiri waa argagixiso!….Siyaasiyiintii wax garanayay ee waayo aragnimmada  lahaa  waxaa laga dhigay wax la ciladeeyay iyo wax la laayay iyo wax cararay!….DHalin-Yaradii waxaa qortay  oo askar ka dhigtay qaarumihii innagu soo duulay, cadowgeenii waa ina Il-baadsaday!…waxaa laynooga  soo  dhacay  halkuu  bowdku ka gaabnaa Aqoonyahankii!

Midowga  Immaaradaha  Carabta waxaa  sida muuqata waxay u soo hub qaateen inay  boobaan dalkaan dagan, waxyna  si fool xun  ay faraha  ula gashay  siyaasad wasakhaysan oo dhaxalkeedu uu noqonayo  xummaan iyo colaad aan dhammad lahayn, waxaana su’aasha u weyn ee qof kasta oo Soomaali ah uu is weydiinayo ay tahay sababta Midowga Immaaradha Carabta ku kaliftayinay Itoobiya inoo soo kaxaysato?! Inay hantidii dalkeena innaga oo burbursan,  oo wali la il-daraan diiftii colaadihii iyo dagaalladaii iyo dibandaabyada waxa Beesha Caalamka loogu yeero, iyo gaar ahaan hagardaamada Itoobiya  in hadana Aala-Nahyaan inoo soo kaxaysto Xaylmaryam oo uu ku marti qaado xeebaheena, taasi waxay  cadaynaysaa oo keliya inaan ku khaldanayn ama aanan fahamsanayn xiriirkii hore ee aan la lahayn SHiikh Zaa’id Bin Suldhaan Aala-Nahyaan, walina waxaad moodaa xataa nimanka hadda haya hoggaanka siyaasadda dalka inay ku sii socdaan khaladkii shalay, mana jirto sabab loo soo dhoweysto Midowga Immaaradha Carabta.

Midowga  Immaaradaha  Carabta  iyadoo ka faa’idaysanaysa  sida xaalka siyaasadeed ee dalku yahay, kuna socota nidaam suuq madow ah ayeey  si  qayaxan ugu  soo bareertay inay dekedaha dalka ka jira qaadato. waxaana jira warar aan rasmi ahaan soo bixin oo sheegaya in dekedda Boosaaso ay Midowga Imaaradaha Carabta ula wareegeen arrimo ka duwan kuwa  dadka  loo sheegay  ujeeddada u weynna ay tahay inay doonayso agagaarka dekedda  Berbera  inaan laga helin deked kale  oo ay wax ka degaan, faahfaahinnaha qaarkood ayaa tilmaamaya in la rabo in la dumiyo sidaasna ay ku xiranto  laakiin aan la dhisayn oo sidaas lagu xirayo!…warar kale ayaa iyagana sheegaya  sicirka  canshuurta alaabada ka soo degaya kor loo qaadayo qofka gudaha dekedda gelayana lacag laga qaadayo xataa  haddii uu markab ama doon u rarantahay, sidaasoo kalana dekadda dhaqaalaha ka soo baxaya waxaa saami ku yeelanaya dowladda Itoobiya oo sida la sheegay ay Midowga Immaaradaha Carabta kula soo heshiiyeen inay sugaan ammaanka dekedaha ay shirkadahooda maamulayaan.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in ammaanka dekedda Boosaaso ay la wareegayaan ciidammo dalka Midowga  Immaaradaha Carabta  laga keenayo iyo kuwa Saracen iyadoo mar kastana ciidammada Itoobiya ay kaalin ku yeelanayaan , taasoo macnaheedu yahay in lagu caburiyo dadka  ka shkisan sharci ahaanta heshiiskan ay kula gashay maamulka Puntland  dekedda Boosaaso, waxaana durba muuqda  dhibaatooyin soo baxay  oo wax yeeleeyay noloshii  guud ee mujtamaca Soomaaliyeed ee ganacsigoodu ku xirnaa dekeddaas, siiba kuwa  gobollad Puntland iyo deegaannada  ku hareeraysan. Waxaa iyadana jirta in khilaafkii ka dhashay heshiiskaas uu horseeday kacdoon iyo banaan bax uu dhiig ku daatay isla markaasna ay ka hor yimaadeen ganacsato badan, inkastoo aan la filayn inay sahlanaato in heshiiskaas laga noqdo ama wax laga bedelo, hadana waxaan meesha laga saari karayn diidmada dad-weynaha maadaama uu asal ahaan wax xeer oo sharci ahaan uu ku tiirsanyahay aysan jirin….Mase kula tahay in dadkii oo soo taagan dalkoodii hortooda lagu gorgorinayo?! Aaway DHallintii dalka dhaxalkiisa lahaa?!

 

W/Q:- Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

447903088364

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *