/

Mid Ka Mid Ah Dowladaha Islaamka Oo Xiriirka Milateri U Jartay Dowlada Mareykanka

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Dowlada Pakistan ayaa shaacisay in xiriirkii Milatari iyo midka sirdoon ay la laheyd Dowlada Mareykanka ay joojisay kadib markii Dowlada Mareykanka shaacisay in kaalmada Milatari ka jareyso Dowlada Pakistaan.

Madaxwenaha Dalka Mareykanka Donald Trupm ayaa dhawaan dowlada Pakistan ku eedeeyay in ay qiyaantay dowlada Mareykanka , waxa uuna ku hanjabay in uu dowladaasi ka jarayo kaalmada Milatari ee siiyaan .

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Pakistan Khurram Dastgir Khan ayaa ku dhawaaqay in xiriirka Milatari iyo midkii sirdoon ay la lahaayeen dowlada Mareykanka joojiyeen, waxa uuna sheegay in Mareykanka in uu qaatay go’aan hubsiimo la’aan ah.

War kasoo baxay Safaarada Dowlada Mareykanka ku leedahay magaalada Islamabad ayaa lagu sheegay in aysan wali helin go’aankan ka soo baxay dowlada Pakistan ee xiriirka milatari loogu jaray Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa malaayiin Dollar siin jirtay dowlada Pakistan, hasa ahaatee Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Pakistan in aysan la dagaalamin kooxaha argagaxisada sidaa darteed ay ka jarayaan kaalmada Milatari.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *