/

MAQAL XASAASI: Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir oo si adag uga hadlay La hadlay Wasiirka Amniga & Taliyaha Nabadsugidda Dawladda Soomaaliya.

Filed under: Warar,Wareysi |

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa si kulul uga hadlay go’aankii uu xalay ku dhawaaqey Taliyaha nabadsugidda ee dawladda Soomaaliya Jeneraal Tuuryare, kaas oo ahaa in ay amniga caasumada ku wareejiyeen Madaxda Maamulka Gobalka Banaadir, wuxuuna taasi ku sifeeyey masuuliyadii ay lahaayeen oo ay ka carareen.

Tarsan oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in aanay is qabin karin in Hey’addaha Amniga ay wareejiyaan Mas’uuliyadii saarneyd iyo inay awooda heystaan, taasoo uu ku tilmaamay in aanay aheyn arrin socon karto.

Mr Tarsan ayaa cadeeyay in Gobolka Banaadir aanu xilligan u diyaarsaneyn dhinaca Amniga, isla markaana go’aanka la gaaray uu yahay mid si fudud loo gaaray.

Tarsan ayaa kula taliyay Mas’uuliyiinta Hey’adaha ammaanka in hadii ay rabaan inay Mas’uuliyada amniga wareejiyaan inay istiqaalad dhiibaan oo ay is casilaan.

 

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

__________

Muqdisho, Somalia

Hayenews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *