/

MAQAL XASAASI AH: Baarlamaanka Soomaaliya oo wali ku adkeysanaya In ay Horyimaadan Wasiirka Amniga & Taliyaha Nabadsugida

Filed under: Warar,Wareysi |

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay dib u dhigtay fadhigii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in ay soo xaadiraan Wasiirka Amniga & Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee dawladda Soomaaliya, balse ay ka baaqsadeen markii sida la sheegay in ay maalmahan ka war-wareegayaan hortagida baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa diidey in ay sii wadaan fadhigii shalay, waxa ayna sheegeen in aysan qodob kale u gudbi doonin ilaa Labadaas masuul ay hor yimaadaan baarlamaanka, si wax looga weydiiyo xaaladda amaanka ee dalka oo faraha ka sii baxaysa.

Xildhibaanada ayaa sheegay in wareejintii Amniga gobalka Banaadir iyo ku beerlaxowsigii Sharciga La dagaalanka Argagixisaduba ay muujinayaan fashilka haysta Wasiirka Amniga & Taliyaasha ciidamada nabadgalyadda loona baahan yahay in si deg deg ah xil ka qaadis loogu sameeyo.

Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in ay fariin u diri doonaan shaqsiyaadka la doonayo in su’aallaha la weydiinayo, hadii ay diidaana hor imaanshaha baarlamaanka ay ku soo jawaab celin doonaan Xildhibaanada.

Hadii ay ka baaqsadaan in ay hortagaan baarlamaanka Soomaaliya Wasiirka Amniga & Taliyaha Nabadsugiddu waxaa suuragal ah in Xasaanadda lagala laabto, isal markaasna lagu amro Madaxweynaha & Ra’iisulwasaaraha in ay dib u soo magacaab shaqsiyaad kale oo shaqadan qabta.

Halkan ka dhageyso

__________

Muqdisho, Somalia

Hayenews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *