/

MAQAL: M/weynaha Puntland ” Puntland Ma aqbali doonto Nidaam 4.5 oo Dan gaar ah lagu wato”

Filed under: Warar,Wareysi |

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiwali maxamed Ali Gaas ayaa wareysi uu xalay siiyey Idaacadda Codka Mareykanka, wuxuuna si adag uga hadlay arrimo badan oo khuseeya Siyaasada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in aysan marnaba kalaaban doonin diidmadooda ah in aysan ka qeybgaleyn Nidaamka 4.5.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in la tixgaliyo Heshiiska bulsho ee mar kasta la gaaro, lagana gudbo nidaamka Qabyaaladeed ee hadda jira, ayna muhiim tahay saaka in la dhoofo Nidaamkan oo aan sharci laga dhigin.

Wareysigan oo Xasaasi ah ayaa dhinacyo badan taabtay, waxaan uu sharaxaad ka bixiyey Gaas in ay Puntland dooneyso dan gaar ah oo ku aadan Nidaamka degmooyinka oo ay Xildhibaano dheeraad ah ku helayaan Qabaa’ilka Daaroodka, laakiin taasi wuu diidey Gaas, isagoo sheegay in Qabaa’il kasta uu deegaan degan yahay.

HALKAN KA DHAGEYSO

________________

GAROWE, SOMALIA

hayenews@gmail.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *