/

Madaxweyne Ku-Xigeenkii Dowladda Puntland Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Taageeray Go,aankii Qalbi-dhagax Loogu Wareejiyay Itoobiya (Akhriso)

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee xiriirka Gobolada Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan.

Wareegto uu saaray Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Bashiir C/raxmaan, kaddib markii uu ku kacay Mas’uuliyad darro iyo hab dhaqan lid ku ah hanaanka dowladnimo.

Wareegtadan xil ka qaadista ah ayaa salka ku heyso hadal uu Wasiiru dowlaha siiyay dhawaan Warbaahinta, kaasoo uu ku taageeray go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo bishii hore loo gacan geliyay Itoobiya.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada xil ka qaadista

wasiir-xil-ka-qaadis-723x1024

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *