/

Madaxweyne Farmaajo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Gaalkacyo (Sawirro+Dhageyso)

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafti Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa galabta si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa Waxaa Waftigiisa ka mid ah Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka, La Taliyayaal ka Tirsan Xafiiskiisa, Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Puntland Iyo Galmudug, Xubno ka Tirsan Labada Maamul, Taliyaha CXD, Guddoonka Maxkamadda Sare Ee CQS, Xubo ka Tirsan Labada Gole ee DFS Iyo Bulsho aad u fara-badan.

Soo dhoweynta ballaaran ee loogu sameeyay Madaxweyne Farmaajo magaalada Gaalkacyo ayaa la mid aheyd soo dhoweyntii loogu sameeyay Garowe, Qardho iyo Boosaaso iyo deegaanadii kale ee uu maray, halkaasoo kumanaan dadweyne ay waddooyinka iyo fagarayaasha isugu soo baxeen.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa diyaarad ka soo qaaday magaalada Boosaaso, oo horay safar dhinaca dhulka ah ugu tageen.

Dadka reer Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay Geel huwan astaanta Calanka Qaranka (Hashii Maandeeq), waxaana ay jawaab u aheyd hadiyadihii dhaqan ee lagu guddoonsiiyay Qardho, Boosaaso iyo deegaanadii kale ee uu booqday.

Sidoo kale, Dadka Reer Gaalkacyo ayaa Madaxweynaha Guddoonsiyay Miraha Loo Yaqaan Hohobta iyo Weliba Yicib.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Farmaajo ayaa Shacabka Kula Hadlay Fagaaraha Barxada Weyn ee Magaalada Gaalkacyo, Isagoona Uga Mahad celiyay Soo Dhaweynta ay u sameeyeen, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo Hadal qaaday Kala Qeybsanaanta Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa ku hoyan doona dhanka Waqooyi ee Puntland, waxaana dhawaan uu u sii gudbi doonaa magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug, kadibna waxaa uu aadi doonaan Caabudwaaq iyo Dhuusa Mareeb.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay tan iyo shalay magaalada ka wadeen howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso.

 

Sawirro.

9 1 23  4 5 6 7 8

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *