/

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Sii Jeeda Dalka Qatar (Xog Buuxda).

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii ugu ballaarnaa ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah ay u amba baxaan magaalada Doxa ee dalka Qatar, kaddib markii uu Casuumaad ka helay Hoggaanka Dowladda Qatar.

Waftiga Madaxweynaha ee ku Sii Jeeda Doxa oo ah mid Balaaran ayaa Isigu jira illaa lix Wasiir iyo Ganacsato, kuwaasoo heshiisyo iskaashi la soo saxiixan doona Wasiirada dhiggooda ee Qatar.

Wararka ayaa sheegaya in booqashadan ay tahay mid rasmi ah, waana booqashadii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Qatar, kaddib markii uu sanadkii hore uu booqday.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku Sugan yahay La kulmi Doono Madaxda sare ee Dalka Qatar, Isagoona kulan gaar ah la qaadan Doona Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Iyagoona ka wada hadli doono Xiriirka labada Dal iyo Sidii Qatar u Xoojin laheyd Taageerada ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa dhowaan la saxiixatay dowladda Soomaaliya mashaariic horumarineed oo ku baxaya illaa labo boqol oo malyuun, kaasoo ka mid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho-Jowhar iyo Muqdisho-Afgooye.

Socdaalka uu Madaxweyne Farmaajo maanta ugu amba baxayo dalka Qatar ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo horay xiriirka ugu jaray dalka Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in siyaasadeeda arrimaha dibadda ay u janjeerisay dhinaca dalka Qatar, waxaana marka loo eego isu soo dhowaanshaha Madaxtooyada Soomaaliya iyo Qatar ay meesha ka saari kartaa mowqifkii dhex dhexaadnimada ee horay uga qaatay khilaafkii Khaliijka.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *