/

Madaxweynayaasha 5 Maamul Ee Dalka Oo Khudbado Xasaasi Ah Ka Hor-jeediyay Aqalka Sare Ee BFS (Daawo)

Filed under: Video,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya oo heshiis laagaray madaxda federaalka ayaa maanta waxay la kulmeen  Mudanayaasha Aqalka sare ee laga soo doorto maamul goboleedyadooda, kulanku wuxuu ka dhacay  xarunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay mudane Abshir Maxamed Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare BFS.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in aqalka sare ay matalaan dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka Soomaaliya, iyagoo halkaasi ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya..

Khudbada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Khudbada Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare

Khudbada  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam

Khudbadda Madaxweynaha Galmudug Xaaf

Khudbada Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan.

 

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *