/

Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Deg Deg Ah Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta (Daawo Sawirro)

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinka dambe ee maanta u ambababax dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii martiqaad rasmi ay ka heleen Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta.

Diyaarad qaas ah oo Imaaraadka Carabta u soo dirtay Wafdiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka qaaday garoonka diyaaradaha Cigaal Air Port ee magaalada Hargeysa.

Wafdiga Madaxweyne Biixi ayaa waxaa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe.

Safarkan ayaa u muuqda mid farriin jawaab u ah tallaabadii shalay Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ay ku ansixiyeen xeer dalka looga mamnuucay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, isla markaana waxba kama jiraan lagu tilmaamay dhamaan heshiisyadii ay gashay.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay heshiiskii Dekeda Berbera, waxaana ay cambaareeyeen go’aankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in go’aankaas aanu waxba ka khuseyn.

Safarka Madaxweynaha Somaliland uu ku aaday Imaaraadka Carabta ayaa ku soo beegmay, iyadoo maalinta berri la filayo in Madaxweyne Farmaajo isna u ambabaxo dalka Qatar oo uu martiqaad rasmi ka helay.

Si kastaba ha ahaatee xiisada ka dhalatay Heshiiskii Dekeda Berbera ayaa u muuqda mid isu bedelaya loolankii u dhaxeeyay dalalka Khaliijka inuu u soo wareegay Soomaaliya iyo Somaliland oo horay iskeed ugu dhawaaqday inay tahay dal madax banaan, balse aan helin aqoonsi caalami ah.

Sawirro.

biixi2-696x464 biixi1-696x464biixi

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *