/

Ma Aamineysid In Wado Weyn Oo Saan U Eg Ay Ku Taalo Magaalada Muqdisho (Daawo)

Filed under: Video,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kasoo kabaneysay bur burkii ka dhashay dagaaladii Sokeeye, waxa ayna hada magaalada noqotay mid wax badan iska badaleen oo horumar badan kusoo korortay.

Ina badan Laamiyada magaalada Muqdisho ayaa la dhisay , waxaa sidoo kale qeybo magaalada kamid ah laga dhisay dhisamayaal qurux badan oo sare u qaaday horumarka ay ku talaabsatay caasimada  Muqdisho.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxaa magaalada Muqdisho ku yimid dib u dhac dhinacyo badan ah, waxaa inta badan bucaad isku bedelay laamiyadii quruxda badnaa ee la dhisay, halka Wadooyinka qaarna ay si xun usii bur bureen.

Muuqaalkan aan daawan doontaan waa Laamiga isku xira Isgoosyada Bakaaraha iyo Dabka, muuqaalkan laamigan ayaa ah mid aad looga argagaxo aysan maleysan Karin dadka qaar in laami sidan ah uu xiligan Muqdisho kuyaalo.

Gaadiidka Muqdisho isticmaala waxaa laga qaadaa Canshuur maalin kasta gobolka Banaadir ka qaado, waxaa usii dheer lacag iyana gaadiidka kala duwan ka qaado sadaxdii bilba mar Wasaarada Maaliyada, Waxaana isweydiin  mudan lacagahan xagee ku baxaan hadii aan gaadiidka wadooyinka loogu dhiseyn.

Duqa Muqdisho ayaa shaqadii looga fadhiyay in uu qabto uga mashquulay arimo kale oo aysan dadka iyo magaalada dan ugu jirin, waxa uu kaliya kusoo koobmay Duqa Muqdisho in shirar uu ka qeyb  galo iyo Banaamijo u muuqaal eg igu Sawir.

Dhawaan sidoo kale naga Fillo Muuqaal ku aadan Laamiyadii Muqdisho ee la dhisay oo isku bedelay Bucaad.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Laamiga Isku xira Isgoosyada Dabka iyo Bakaaraha

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *