/

La Yaab:- Labo Dhaqtar Oo Ku Dul Murmay Haweeney Saarneed Saalada Qaliinka (Daawo+Sawirro)

Filed under: Video,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNewscom)-Warbaahinta Caalamiga iyo Baraha Bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaal ku aadan labo dhaqtar oo ku dul murmaya Haweeney uur laheyd oo miiska qalliinka ee isbitaalkooda saaran.

Labada Dhaqtar ayaa ka howl galayay isbitaalka Umaid oo kuyaala waqooyiga Rajasthan ee dalka Hindiya, waxaana labadan dhaqtar la arkayay iyaga oo ku dul qeylinaya iskuna heesta saalada qaliinka ay saarneed haweeneyda dhaleysay.

Dr Ranjana Desai oo ka mid ah madaxda isbitaalka ayaa beenisay warar warbaahinta qaarkood baahiyeen oo ku aadanaa in uu dhintay cunuga ay dhashay haweeneyda saalada saarneed ee lagu dul murmay.

Waxa ay sheegtay in uu jiro cunug la dhalay oo idsbitaalka ku geeriyooday balse uusan aheyn cunuga ay dhashay haweeneyda lagu dul murmay, waxa ayna tilmanatay in ay dhacdadan ka xun yihiin ayna socdaan baaritaan.

Maamulka Isbitaalka ayaa go’anasaday in shaqada si KMG ah looga joojiyo labada dhaqtar ee murmay oo lagu kala magacaabo Dr Ashok Nanival iyo Dr Mathura Lal Tak, waxaa sidoo kale socda baaritaan ku aadan cida duubtay muuqaalkan sida weyn u baahay.

Maxkamadda sare ee magaalada Rajasthan ee dalka Hindiya ayaa amar ku bixisay in isbitaalku uu warbixin soo gudbiyo oo ku aadan dhacdadan, waxaana socda baaritaan qoto dheer oo ku aadan sida ay wax u dhaceen .

Halkaan Hoose Ka Daawo.

Sawirro.

mur_1 mur_2 mur_3

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *