/

Kooxda Reer Talyaani Ee Juventus Oo U Soo Baxday Finalka Champion League+Sawirro

Filed under: CIYAARAHA,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Laba gool oo ay kala dhaliyeen Mario Mandzukic iyo Dani Alves ayaa guul weyn siiyay Juventus markaas oo ay 2-1 kaga adkaadeen kooxda As Monaco.

Kylian Mbappe ayaa dhaliyay goolka calanka As Monaco, balse kooxdiisa waxey ku hartay 4-1 isku cel-celiska labada kulan.

Juventus ayaa iska xaadirisay final-ka Champions League waana markii labaad oo ay gaarto sadexdii xili ciyaareed ee la soo dhaafay.

As Monaco ayaa si weyn ku bilowday kulankii kusoo dhamaaday Turin markaas oo ay maanka ku heysay iney ugu yaraan u baahan tahay guul weyn waxeyna cadaadis ku bilaabeen durba goolka Juventus.

As Monaco ayaa sameysay dadaal fiican oo ay ku dooneysay iney kusoo rogaal celiso, balse kooxda ka dhisan faransiiska wey ku hungowday iney sidaa sameyso.

Sawirro.

11 12 13 14 15

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *