/

Kenya Oo Sheegtay In Ay Bur-burisay 3 Saldhig Oo Ay Keynta Booni Ku Lahaayeen Al-Shabaab

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Laamaha amniga Kenya oo ka jawaabayay qaar ka mid ah Saraakiisha Xeebta cabasho ay gudbiyeen ayaa sheegay in ay bur buriyeen saddex Saldhig Ciidan oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Keynta Booni ee uu dagaalka ka socdo.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ay heleen 3; Saldhig oo ay lahaayeen Al-shabaab islamarkaana ay isku qarin jireen kuwaas oo ay ku faaneen in hadda la baabi’iyay.

Saraakiisha amniga Kenya oo kulan ku yeeshay Hotel ku yaalla Lamu ayaa sheegay in saddex Saldhig oo AL-shabaab kulahaayeen Degaanka Witu  ee Galbeedka Lamu ay Ciidamada burburiyeen kana saareen Al-shabaab.

Agaasimaha howlgalka amni soo celinta Keynta Booni Joseph Kanyiri ,ayaa saraakiisha Amaanka ka horsheegay in hadda wixii ka dambeeya ay yaraan doonaan weerarrada AL-shabaab ay ka fuliyaan Gobolka Xeebta ah kaddib howlgal ay Diyaaradaha Kenya ku beegsadeen Saldhigyada Al-shabaab ku leeyihiin degaankaas.

Saraakiisha Ciidamada Xeebaha Kenya iyo dadka Xeebaha dega  ayaa dowladda Dowladda Dhexe ee Kenya ka codsaday in ay baaritaan ku sameyso sababta uu u miro dhali la’yahay howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay Ciidamada Kenya ka wadaan Keynta Booni 3dii Sano ee la soo dhaafay.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *