/

Kenya oo sheegatay in ay ciidamadeedu dileen 21 Al-shabaab ah

Filed under: DIIN,Warar |

Afhayeenka Ciidanka Kenya ayaa sheegay in deegaanka Hawina ee duleedka Dhoobley ay ku dileen 21 ka mid ahaa maleeshiyada Alshabaab.
Qoraal kasoo baxay wasaarada Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in Salaad Bart oo la aaminsan yahay inuu ahaa taliye kooxeed goobta lagu dilay.

Qoraal uu sii daayay Col.David Obonyo ayaa lagu xusay in abaarihii 08:23 subaxnimo ciidan KDF ah oo ka baxay Dhoobley kuna sii jeeday Taabda oo markaas marayay deegaanka Hawina uu hal askari oo Alshabaab ah xabado kusoo riday kadibna cararay.

Afhayeenka KDF Col.David Obonyo wuxuu xusay in ciidanka KDF iyo kooxdii Alshabaab halkaas dagaal ku dhexmaray kaas oo oo sida uu sheegay lagu dilay 21 Alshabaab ah. Wuxuu intaas ku daray in dagaalkan ay ku qabsadeen 17 qori oo AK47 ah, 2 qori oo nooca hoobiyaha ah ,5 RPGs iyo rasaas tiro badan.

Ciidamada Kenya iyo Xoogaga Al-shabaab ayaa marar badan dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay ku dhexmareen degaanka Jubooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *