/

Heshiis-yada Maamulada Puntland Iyo Galmudug Ka Gaaraan Colaada Gobalka Mudug, Waa NGO (Warbixin)

Filed under: Maqaal,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-8 Bishan Sept, Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu soo gabagabeeyay Shir looga arrinsaneyay sidii xal-waara looga gaari lahaa Colaadaha aan joogsiga laheyn ee ka sii huraysa Gobalka Mudug.

Shirkan oo socday Muddo 5 Maalmood ah, ayaa intii loo fadhiyay u ekaa mid la isku mari la yahay, oo Masuuliyiinta Maamulada Puntland Iyo Galmudug, iyo Waxgaradka labada Dhinac ee Gobalka Mudug, isku fahmi waayeen Arrimihii Ugu weynaa ee sida weyn isha loogu hayay, Sida lahaansha Dhulka had iyo jeer ay ka dhacaan Weerarada iyo Iska hor imaadyada Hubeysan.

Qodabada ugu muhiimsanaa ee sida weyn loo wada sugayay, in Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyo Waxgaradka Gobalka Mudug ee labada dhinac ay Heshiis lagu qaboojinayo, laguna yareyn karo ay ka soo saaraan, ayaa ahaa Dhulka daaqsinka ah iyo Deegaanada Dhaca Bariga Gobalka Mudug, kuwaasi oo ay had iyo jeer ka dhacaan Weeraradu.

Masuuliyiinta Maamulada Puntland Iyo Galmudug, iyo Waxgaradka Labada Dhinac ayaa 5 Maalmood oo uu socday Shirku ka dib soo saaray War-Murtiyeed ka kooban 10 Qodob.

Heshiis

Maxaa Uu Soo Kordhin Doonaa Heshiiskan Cusub Ee Puntland Iyo Galmudug ?

Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa Dagaalo Culus oo dhex maray ka dib, waxaa ay Marar badan Heshiisyo Rasmi ah, oo ay Goobjoog ka ahaayeen, Masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamku ka gaareen Colaada Gobalka Mudug.

Heshiisyadii ay horey u gaareen labada dhinac, ayaa ahaa kuwo Fashil ku dhamaaday ka dib markii ay fuli waayeen Qodobadii lagu heshiisayay, iyadoona qoloba-qoloda kale dusha uga Tuurtey eedeymo ku aadan in dhinaceeda uu ka fuli waayeen, qodobadii lagu Heshiiyay.

Shirka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo War-Murtiyeedkan ka koobnaa 10 Qodob ee ay Gaareen Masuuliyiinta iyo Waxgaradka Maamulada Puntland Iyo Galmudug, ayaa u Muuqda kuwa, aan sameynayn Micno badan, iyo Go,aano Fududeynaya in laga hor-tago Weerarada iyo Colaada aan joogsiga laheyn ee had iyo jeer ka dhacaya Gobalka Mudug.

Maxaa Xigay Heshiiska Cusub ?

Madaxweyne Ku Xigeenada Puntland iyo Galmudug, ayaa intii uu socday Shirkaan soo bandhigay in ay si wada jir ah u tagayaan Deegaanada Dhaca Bariga Gobalka Mudug, ee ay ka dhacaan Weerarada iyo Iska hor-imaadyada hubeysan, waxaana taas ka hor-yimid Waxgaradkii qeybta ka ahaa shirkaan.

Madaxweyne ku xigeenada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dabadeed qaaday, tilaabooyin is xigey oo ay ku kala booqdeen Aagaga Dagaalada ee Ciidamadoodu ku kala sugan yihiin, waxaana taasi ay dhalisay In shacabka Gobalka Mudug, ay ka aamin baxaan heshiiskii ay wada gaareen labada dhinac, sababo la yaab leh dartood, waloow ay labada Madaxweyne ku xigeen saxaafada Horteeda ay Ciidamada kula dar-daarmeen in la ilaaliyo Nabada iyo xasiloonida Gobalka.

Maxaa Leysku Hayaa ?

Colaada ka taagan Gobalka mudug ayaa ah mid salka ku heysa Dhul, waxaana Dagaalada iyo Weerarada labada dhinac, sababa Isku haysasada dhulka, iyadoona qoloba qolada kala aaminsan tahay in dhul ka hayso.

Dadka Xoolo dhaqatada ah iyo Waxgaradkooda Maamul ahaan ku tirsan Deegaanada Galmudug, ayaa intooda badan qaba in Deegaanada Bariga Gobalka Mudug ee ay ku nool yihiin Dadka ku Tirsan Deegaan ahaan puntland ay ayagu lee yihiin intooda badan, si awoodana looga heysto.

Sidoo kalena, Waxgaradka iyo Dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku Tirsan Deegaanada Puntland, ayaa iyaguna aaminsan in Dhul ay ka heystaan Dadka ku tirsan Deegaanada Galmudug.

Nabadoon cali diiriye alloore oo ka mid ah waxgaradka Gaalkacyo sida weyn looga yaqaano, kana soo jeeda dhanka Galmudug, oo ka hadlay heshiiskan cusub ee ay 8 bishan wada gaareen Labada Maamul ee puntland iyo Galmudug, ayaa sheegaya in heshiiskani uu waxba soo kordhinayn, oo uu si hurinayo oo kaliya Colaada Gobalka Mudug.

“Dhedo Roob ma ahan, dadku degaan buu isku hayay degaankiina Shirkaan loogama heshiin, deegaanka leysku hayana waa Godod, barde dheere iyo Deegaano kale oo Reerkeena sacad uu degnaa, Deegaankana ma aha deegaan Galmudug oo dhan degan tahay ee Waa deegaan sacad degan yahay, arrintaasina wax heshiis ah oo laga gaaray ma jidho, maxaa yeelay heshiiskaasi waxaa uu suura geli lahaa marka dhulka laga wada hadlo oo la wada dego ceeshana laga wada cabo, marka ma jidho wax nabada oo la wada galay, waxeyna nabadii la sheegay in la galey aheyd mid Faaliso ah, niman baa yimid Madaxweyne ku xigeeno iyo Dad ay wataan ah, Maqaaxiyaheyna wada fariisteen waxeyna dhaheen Nabad baan wada Galnay” ayuu yiri Nabadoon Cali alloore

Maxaa Shacabku U Arkaan Heshiisyada Laga Gaaro Colaada Gobalka Mudug ?

Dadka ku nool Gobalka Mudug oo ah kuwa inta badan u soo taagnaa Heshiisyo laga gaaray Colaada Gobalka Ayaa Aaminsan, in Heshiisyada Gaalkacyo ay Yihiin NGO Lagu qaadanayo lacago, kuwaas oo aan dhab aheyn.

Qaar ka mid ah shacabka oo iiga waramay dareenkooda ayaa sheegay in Heshiisyada Nabada Gaalkacyo, xiliga ay dhacaan ay iyagu u diyaar garoobaan Ka Cararka Colaad cusub oo Gobalka Dib Ugu Qaraxda, maadama ay u soo taagnaayeen Heshiisyo ay daba socdeen Dagaalo ahli ah oo ay ku waayeen Eheladoodii.

“Marar badan ayaa waxaan u soo taagnaa Heshiisyo laga gaaray Colaada Gobalka Mudug Iyo Tan Magaalada Gaalkacyo, hadana waxaa Heshiisyadaa noo xigay Dagaalo Culus oo ka dhaca Gudaha Magaalada Gaalkacyo Iyo Baadiyahaba, waxaana ku weyay Dad Igu qaali ah oo Ehelkeyga ah Iyo Dad Hormuud u ahaa hormarka iyo Xasiloonida Gobalka, Waxaan sidoo kale Dagaaladaasi ku waayay Dhaqaalihii yaraa ee aan ku maareyn jiray Nolasha Qoyskeyga” ayuu yiri Mid ka mid ah Shacabka Gaalkacyo

Maxaa Ay Tahay Xaqiiqada Taal Gobalka Mudug ?

Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug iyo Deegaanada Dhaca Bariga Gobalka Mudug ee ay xaduuda ay ka wadaagaan Labada dhinac, ayaa had iyo Jeer ah kuwo Niyada ku haya Weeraro iyo Dagaalo ka dhaca Goobaha ay ku sugan yihiin, waxaana intaasi u dheer in ay u diyaarsan yihiin in ay ka qaxaan Deegaankooda hadii uu bilowdo Dagaal.

Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ayaa aaminsan haatan uusan Dagaal hureynin, Nabada Gaalkacyana ay Ku xiran tahay xabado uu bilaabo mid ka mid ah, Maleeshiyaadka labada dhinac ee ay Magaaladu u qeybsan tahay.

“Ma aaminsani in Gaalkacyo iyo Deegaanada Miyiga ahba ay haatan nabad ka dhaqan galeyso, waxaa ayna nabadoodu ku xiran tahay mid ka mid ah Maleeshiyo Beeleedka labada dhinac oo xabado ku bilaaba dhanka kale ama Weerar dhuumaaleysiya ku soo qaada, iyadoo aysan jirin cid isweydiisay ujeedad ninkan ayaa loo kala bixin labada dhinac, waxaana bilaaban Dagaal kaasi oo Ugu Dambeyn ay ku soo biirayaan Labada Maamul” ayuu yiri mid ka mid ah Shacabka Gaalkacyo

Sidoo kale Shacabka ayaa aaminsan in aysan dhamaaneyn Colaada Gaalkacyo, inta Weerarada Iyo Iska Hor-imaadyada Hubeysan ay ka dhacayaan Deegaanada Miyaga ah iyo Dhul daaqsimeedka Bariga Gobalka Mudug.

Dhanka kale, Waxgaradka, Masuuliyiinta iyo Ganacsatada Reer gaalkacyo, ayaa ah kuwo ku nool Cabsi baaxad weyn oo ay iyagu ka dhaxleen weerarada iyo Dagaalada ka dhacaya Baadiyaha iyo Gudaha Magaalada iyo arrimo kale oo ay intooda badan sababtay Colaada Gobalka, waxaana la laayay Dad badan oo wax ku ool ah, iyadoona inta hartayna ay ku nool yihiin Cabsi, halka kuwana ayba isiga carareen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

W/D: C/rashiid C/laahi Warsame

cabdirashiidzaki20@gmail.com

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *