/

Guddoomiye Taabid Cabdi Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Khasnajiga Guud Ee Gobolka Banaadir (Akhriso)

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wareegto maanta xafiiskiisa ka soo baxday waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay Khasnajiga Guud ee dowladda Hoose ee Xamar C/raxiin Iimaan Jimcaale.

Guddoomiye Taabid ayaa xilkan u magacaabay Haweeney lagu magacaabo Xamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Xubinta Khasnajiga ee dowladda Hoose.

Wareegtada magacaabis ee ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa timid, maalin kaddib markii Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka Dheere Xaaji ay shaqo joojin ku sameysay C/kariin Iimaan Jimcaale.

Shabakada HayeNews.com ayaa heshay nuqulada qoraalada ka soo kala baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda.

Tan iyo markii Guddoomiye Taabid xafiiska la wareegay, waxaa uu maamulkiisa qaadayay tallaabooyin xil ka qaadis iyo magacaabis taxane noqotay.

waregto-2waregto-2

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *