/

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Kulan Xasaasi Ah Ka Yeelanaya Maanta Mamnuucidii DP World (Dhageyso)

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland ayaa ka Shiraya maanta Go,aankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dalka uga Mamnuuceen Shirkadda DP World oo laga lee yahay Dalka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nacnac) oo ka mid ah Golaha Wakiilada soomaaliland ayaa sheegay in Go’aankaas uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin maantana ay shir deg deg ah isugu imaan doonaan Go’aana ay soo saari doonaan.

Waxa uu sheegay in iyagu ay yihiin kuwo waahore Soomaaliya inteeda kale ka Go’ay sidaas daraadeedna ay u madax banaan yihin in horumarkooda ay ka Shaqeeyaan.

Sikastaba xiisada ka dhalatay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Shirkada DP World, Dowladda toobiya iyo Maamulka Soomaaliland ee dekada Berbera ayaa weli taagan balse waxaa la sugayaa Go’aanka Xubnaha Aqalka Sare iyo Saxiixa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso. 

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *