/

Gen. Mukhtaar Afrax Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeyb galaya Beydhabo.

Filed under: Waraka Maanta |

(HayeNews.com)-ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Saraakiil iyo Masuuliyiin kala duwan. .

Ujeedka Safarka Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa ah in Magaalada Baydhabo uu uga qeyb galo wajiga labaad ee Shirka Booliska Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo halkaasi ka socon doono labada maalmood ee soo socota . .

Taliyaha waxaa Safarka ku wehlinaya dhammaan Taliyayaasha Booliska Dowlad goboleedyadda, masuuliyiin ka kala socota Wasaaradda Amniga qaranka iyo Wasaaraddaha Amniga maamulada dalka ka jira. Taliyeyaasha Booliska Dowlad goboleedyadda, masuuliyiin ka kala socota Wasaaradda Amniga qaranka iyo Wasaaraddaha Amniga maamulada dalka ka jira.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *