/

Falanqeyn+Akhriso:- Ururka Al-Shabaab Maxay Uga Dhigan Tahay Hadii Ay Rumowdo Dilka Af-hayeenkooda Sheekh Cali Dheere?

Filed under: Maqaal,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Waxaa soo baxaya Warar Cusub oo ku saabsan weerar ciidamada Komandoska Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay ku qaadeen degaanka Kunya Barrow ee dhinaca koonfur ka xiga magaalada Baraawe gobolka Shabeellaha hoose.

Dallad lagu magacaabo SOFREP oo ay leeyihiin ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa shaacisay in weerarka oo dhacay maalinimadii Khamiista ee shalay lagu guuleystay halkii bar tilmaameedkiisu ahaa isla markaana lagu dilay afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage  “Cali Dheere” iyo Taliyihii hoggaaminayay maleeshiyada degaankaasi.

Arrintan ayaa Dhabar jab xooggan ku Noqonaysa Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ee ka dagaalamaya Qeybo Ka tirsan Dalka, waxaana Hadii ay Cadaato Dilka Afhayeenka Malshiyaadka Argagixisada Ah Ee Al-shabaab daciifaya Awooda Kooxda Al-Shabaab Ay Ku lee dahay Deegaano Ka Tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa Sanadihii Ugu Dambeeyay Waxaa Daciif Ku Socday Awoodooda, Iyadoona La Beegsanayay Goobaha Ay Ku Sugan yihiin Saraakiisha Ugu Sareeya Kooxda, taas oo sababtay in qaar ka mid ah Deegaanada ay Gacanta Ku Hayeen Kooxda In ay Isaga Baxaan oo ay isigu Geeyaan awoodooda Deegaano Kooban.

Saraakiishii Ugu Sareysay Kooxda Al-Shabaab ayaa Sanado ka Hor Waxaa Soo Kala Dhex galay Tafaraaruq, kaas Oo Sababay In Qaar ka Tirsan Hogaamiyaashii Aas Aasay Kooxda Uu Amar Ku Bixiyay Amiirkii Hore Ee Maleeshiyada Axmed Cabdi Godane Oo Sebtembar 2014 Uu Mareykanku Ku Dilay Duqeyn Cirka ah, In La Dilo, Kuwaas Oo Qaar ka Mida La laayay, Kuwa kalana ay Ka Baxsadeen, iyagoo  Qaar ka Mid ah isku Dhiibeen Dowladda Soomaaliya, Halka Kuwa Kalana Ay ku Jiraan Duurka Sida Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Dhawaan Dowladda Mareykanku Ka Saartay Liiska Argagixisada.

Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab ayaa Ka Mid Ah Saraakiisha Yar Ee Ku Hartay Al-Shabaab, Waxaana Lagu Yaqaanaa Nin Ku Ad Adag Afkaarta Khaldan Ee Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab, Waxaana Hadii ay Dhabowdo Dilkiisa, Baxaya Mid ka Mida Tiirarkii Ugu Balaarnaa Ee Ay Kooxda Al-Shabaab Ku Taagneed, Waxaana Lumaya Awooda Kooxda Ay Haatan lee dahay.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *