/

DHAGEYSO: Xildhibaanada Somaliland oo ka hor yimid hishiiskii shirkii madasha

Filed under: Warar,Wareysi |

Iyadoo shalay magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirkii madasha Wadatashiga Qaran oo Todobaadkan ka socday Muqdisho ayaa go’aanada qaar ee ka soo baxay shirkaasi waxaa ka soo horjeestay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliland.

Xildhibaanad Qadro Axmed Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Soomaaliland ayaa Idaacadda Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho usheegtay in Soomaaliland aysan u qalmin in lala meel dhigo maamulada kale ee dalka ka jira.

Waxa ay sheegtay in Madaxda dowladda ay dhowr jeer oo hore ay kala hadleen in aan meel cidlo lagu dhumin xaqa Soomaaliland ay ku leedahay dowladda cusub ee soo socota.

Xildhibaanad Qadro Axmed Ibraahim ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in aysan quseyn qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *