/

Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Oo La Soo Gaba-gabeynayo Iyo Xildhibaanada Hirshabeelle Oo La Baarayo

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)- Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo badan Saakay la dhigay Hoolka ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle,waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaanka Xarunta.

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay Guud ahaan Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabelle,waxaana Maanta Xarunta Qudbado ka jeedin doonaan Illaa 5 Musharax oo ka mida Musharaxiinta u ordaya Xilka Madaxweynaha Hirshabelle, iyadoona 3 kale shalay ka hor jeediyeen Barnaamijkooda Siyaasadeed Xildhibaanada.

Xildhibaanada Hirshabelle iyo Sidoo kale Musharaxiinta Xilka Madaxweyne ee Maanta Qudbadda Jeedin doona ayaa lagu Wargeliyay dhamaan in Maanta Baaritaan lagu sameyn doono marka ay galayaan Hoolka si Ammaanka loo Xaqiijiyo.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *