/

Deg-Deg:- Xildhibaanada Baarlamaanka Oo U Yeeraya MD Farmaajo Iyo RW Kheyre & Arrintii Qalbi-dhagax

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sheegay inay bilaabayaan la xisaabtan Madaxda dowladda oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda aysan dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax ka keenin wax cudur daar ama raali gelin, isla markaana xitaa aysan ogoleyn in falkaas ahaa mid qalad ah sida uu yiri.

Xildhibaanka ayaa sheegay in si looga hortago qalad kale oo ay Madaxda ku kacaan loo baahan yahay in lagula xisaabtamo, si aanay mar dambe u dhicin dhibaato la mid ah tii laga galay Qalbi Dhagax iyo qoyskiisa.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qorsheynaya, sidii ay mooshin uga keeni lahaayeen Madaxda sare ee dowladda, iyagoo u cuskanaya Dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax.

Sabtidii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadii dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax, waxaana kiiskan uu ahaa kii ugu cuslaa ee hareeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo la rumeysan yahay inay taageero badan ku lumiyeen.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *