/

Daawo Xaflada:- Madaxweynaha Dowlada Puntland Oo Xalay Ka Qeyb galay Xaflad Ka Dhacday London

Filed under: Video,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Waxaa Xalay Magaalada London Lagu Qabtay Xaflada Loogu Tala Galay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Xafladan Ayaa Waxaa Soo Qaban Qaabiyay Jaaliyada Puntland Ee Dalka UK, Iyadoona Ay Xafladani Aheyd Mid Si Heer Sare Ah Looga Soo Shaqeeyay.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Ayaa Xafladan Ka Jeediyay Khudbad Taariikhi Ah Oo Dhinacyo Badan Taabanaysay.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Ayaa Markii Ugu Horeysay Xalay Ka Hadlay Warar La Isla Dhex Marayay Mudooyinkii Ugu Dambeeyay, Kaas Oo Ku Aadanaa Kordhinta Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Puntland.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Sheegay In La Kordhinayo Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Puntland.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Gaas Ayaa Sheegay In Uu Waraaq U Diray Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi,Taas Oo Uga Dalbanayo In 7 Xubnood Lagu Kordhiyo Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Puntland Oo Haatan Ah 66 Xildhibaan.

Daawo Xaflada Madaxweyne Dowlada Puntland Dr Gaas Loogu Qabtay London.

 

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *