/

DAAWO SAWIRADA: Shirka Soomaalida ee Turkiga oo aan wali furmin & Warbixin ka hadlaysa Qaabka loo diyaariyey

Filed under: Warar,Wareysi |

ISTANBUL(HAYENEWS)- Shirka heerka saree e arimaha Soomaaliya looga hadlayo ayaa maanta ka furamaya dalka Turkiga magaalada qaddiimiga ah ee Istanbul. Shirka waxaa lagu lafaguri doonaa arimaha Soomaaliya, gaar ahaan New-Deal, wixii horay u qabsoomay iyo waxa qabsoomi waayay. Shirka waxaa wada shir guddoomin doona madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wakiilka gaarka ah ee xogayaha qaramada midoobay Micheal Keating.

Haddaba dawladda Turkiga ayaa si maamus wasanaagsan leh usoo agaasintay shirkan labada casho socon doona, halkan waxaan idiinku soo gudbin doonnaa bal inaad wax ka aragtid soo dhawaynta wafdiga Soomaalida loo sameeyay heerkeeda iyo sida waqtiga loo galiyay

CONRAD ISTANBUL BOSPHORUS ( Waa Halka lagu qabanayo Shirkan)

Waa goobta lagu qabanayo shirka labada maalmood soconaya ee arimaha Soomaalida looga hadlaayo. Condrad waa xarun dalxiis oo aad u qurux badan oo leh goobaha dabaasha, goobaha cayaaraha, shirarka iwm. Waxay ku taalla buundada caanka ah ee Bosphorus ee magalada Qadiimiga ah .Waxa loo aqoonsaday hoggaanka dalxiiska dalka Turkiga. Dhulkaa hotelku ku fadhiyo waxa uu dusha ka eegayaa magaalada.

Ammaanka Goobta

Ammaanka Goobta waxaa gacanta ku hayn doona ciidanka dalka Turkiga .Madaxda imaanaysa xataa waxaa loo ogolyahay inay weheliyan ilaaladooda gaarka ah iyo hubkooda oo diiwaan gashanwaxaana hawlahaas wadi doona wasaaradda arimaha dibadda Turkiga

Fadhiga

Fadhiga wafdiga waxaa lagu salayn doonaa sida xarafka magocoodu ka bilowdo, masuul walbana magiciisa miiska ayuu saaranyahay, laba kursi oo yar yarna gadaal bay ka xigan.

Qolal aad u diyaarsan ayaa loo diyaariyay madaxda inay ku yeeshaan kulamada gaar gaarka ah.

Qolka Dhagaysiga

Haddaba waxaajiri kara dad kuraastu ka buuxsantay, calaashan siday doonto haku dhacdee, waxaa loo diyaariyay  qol ay kala socon karaan sida wax usocdaan oo toos ah.

Gaadiidka

Madaxda waxaa loo soo dhawayn doonaa hab VIP ah ama aad usareeya, waxaana hawshas qaabilsan waaxda isku xirka dalalka.

Madaxa wufuudda, heer wasiir waxaa lasiin doonaa Gaari VIP ah inta uu joogo Istanbul

Dhammaan kaqayb galayaasha diiwaan gashan ee caadiga ah waxaa lagu soo qaadi doonaa gaadiidka airport-ka, bixid iyo soo galid waa loo adeegi doonaa.

Istanbul

Istanbul waa magaalo qadiimi ah, qurux badan, isla markaana isku xirta Yurub iyo Aasiya. Istanbul waxay muddo soo ahayd caasimadda xaddaarado badan. Weli waxay hoyi u tahay dad ka kala yimid caalamka oo dhan.

Cimilada Istanbul

Waxay leedahay cimilo waxoogaa huur ah  ama kulayl ah maadaama ay ku taallo xadka  cimiliada mediterian-ka.

Wufuudda waxaa lasiin doonaa WiFi xawaarihiisa aad loo ammaanay, iyo adeeg kale oo badan

Adeegyada kale ee lasiin doono wafdiga

Luqadda shirku ku baxayo waa Soomaali, Turkish iyo English. Ayadoo cid walba ay heli doonto tarjumaadeeda. Waxaa la sameeyay miis macluumaadka la waydiiyo, oo qofkii su’aal u baahan caawinaya. Waxaa kaloo kasoo qayb galayaasha loo diyaariyay qado  iyo goob ay salaadda ku tukadaan.

Sawirada Goobta

2 3 4 5 6 7 Exterior

Xuquuqda Sawirada: Conrad

Xuquuqda warbixinta HLPF

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *