/

Ciyaaryahanka Dunidda Ugu Qaalisan ‘Paul Pogba’ Oo Cumro U Jooga Magaalada Barakeysan Ee Makka al-Mukarama+Sawirro

Filed under: CIYAARAHA,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Paul Pogba oo ah Ciyaaryahanka Dunidda ugu qaalisan una ciyaara kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa xiligan ku sugan Boqortooyada Sacuudiga gaar ahaan magaalada Barakeesan ee Makka, uu u btagay in uu ku cumreysto.

Ciyaaryahanka ayaa lasoo sawiray isaga oo ku sugan Magaalada Makka waxa uuna isbadal ku sameeyay qaabka uu tinta u jarto, waxa uuna Pogba xirnaa maryo cadaanka ah isaga oo ku guda jiray Cumreysi.

Paul Pogba oo 24-sano jir ayaa ah nin inta badan jecel gudashada Waajibaadka diiniga, waxa uuna marar badan tagay Dhulka Barakeysan, waxa uuna bartiisa soo dhigay Sawir isaga oo ku sugan Makka waxa uuna qoraal soo raaciyay “wixii ugu qurux badnaa ee aan arko intii aan noolaa”.

Ciyaaryahankan ayaa kooxda uu u ciyaaro Manchester isbuucii tagay ka saaciday in ay ku guuleesato koobka Europa League, waxa uuna durba u safray Boqortooyada Sacuudiga uu u aaday in uu kusoo cibaadeesto kuna soo cumreesto.

Sawirro.

bugba_1 bugba_2 bugba_3

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *