/

Ciidamada NISA Oo Sii Deyay Gaari Iyo Labo Wiil Oo Loo Heystay In Ay Fuliyeen Dilalkii Ugu Dambeeyay Ee Muqdisho

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sii deysay Gaari iyo labo wiil oo shalay laga soo qabtay Xaafadda Showriyaha ee Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa shalay sheegay in Gaariga la qabtay uu ahaa mid maalmihii la soo dhaafay dilal ka geysanayay degmadaas.

Labada wiil ee lagu qabtay Gaarigaas ayaa xalay ku howday Godka Jilacow,waxaase ay xorriyadooda dib u heleen saaka kaddib markii lagu waayay dambigii lagu tuhmayay.

Wiilasha labada ah ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Macalin Cumar iyo Axmed Haadi,waxaana saaka Godka jilacow ugu tagay Taliye lagu magacaabo Madaale.

Gaariga ay Ciidamada soo qabteen ayaa la sheegayaa in ay leedahay jaamacadda Simad ee Magaalada Muqdisho,Dhallinyarada oo ku xareynaya Gurigoodana ay Ciidama soo qabteen.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *