/

Ciidamada K/galbeed Oo Dhaq-dhaqaaqyo Ciidamada Ka Wada Baay Iyo Bakool (Daawo Sawirro)

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay qaybo ka mid ah Gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed oo booqday Ciidamada dhaqdhaqaaqa wadda ayaa ugu baaqay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidamada u sheegay in laga doonaayo in ay furaan Wadooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ku hawlan sidii guluf xoogan loogu qaadi lahaa dhulka ay Shabaabku kaga sugan yihiin Degaanada Koonfur Galbeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Go’doomisay degaano badan oo ka mid ah Gobolada Baay iyo Bakool, Iyadoona Maamulka Koonfur Galbee uu dadaal ugu Jiro sidii uu go’doonka uga saari lahaa Deegaanadaasi.

Sawirro.

KG4 KG7 KG94

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *