/

Ciidamada Badda Talyaaniga Oo Gacanta Ku Dhigay 6 Ruux Oo Soomaali Ah, Kuna Eedeysan Burcad Badeednimo

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Ciidamada ilaalada Badda ee Dalka Talyaaniga kuna sugan biyaha Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Lix ruux oo ay sheegeen in ay yihiin Burcad Badeed Soomaali ah.

Lixda qof ee la qabtay ayaa la sheegay in ay weerareen Markab Kalluumeysi oo waday Kunteenar 52,000 oo tan ah,kaas oo marayay biyaha Soomaaliya.

Ciidamad talyaaniga oo adeegsanayay diyaarada Helicopter nooca Fasan’s SH-90,ayaa weerar ku qaaday Raggii watay doonta,kuwaas oo kaddib ka cararay markabkii ay weerarka ku ahaayeen.

Ciidamada Talyaaniga,kuwa Spain iyo saraakiil berriga jooga ayaa iska kaashaday howlgal isku xiran oo raggaas lagu doonayay waxaana suuragashay in gacanta lagu dhigo iyaga,hubkooda iyo Doontii ay wateen.

Intii uu holwgalka socday ayey is rasaaseyn dhexmartay labada dhinaca mana jirin khasaare kala gaaray labadaba,waxaana la xiray 6da qof ee burcad badeednimada loo heysto.

Weerarka ayaa dhacay 17 ilaa 18kii bIshan,waxaana Ciidanka Badda talyaaniga ee howlgalka Midwga Yurub ee Soomaaliya qeybta ka ah sheegayaan in Raggaan ay caddaaladda horgeynayana islamarkaana lagu wareejinayo dowlad qaadi karta dacwaddooda.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *