/
Home » Archives by category » Warar (Page 552)
DHAGEYSO+SAWIRO: Madaxweyne Gaas oo gaaray Jariiban, lana hadlay Bulshada Deegaanka.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiwali Maxamed Ali Gaas oo la hadlayay bulshada magaalada Jariiban ee gobalka Mudug oo uu booqdey maanta ayuu ka sheegay in Dagaalka u dhaxeeya kuwa kusoo duulay Puntland uu bilow yahay oo uu dagaalka dhabta ah hadda bilowday. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in laga guuleystay Cadowgii ku soo duulay, ayna noqdeen wax […]

Continue reading …
DHAGEYSO: Dawladda PL oo soo bandhigtay Meydka, Dhaawaca & Maxabiista Shabaab laga qabtay

Wariyaasha oo wali ku maqan Aagga Suuj oo ay dawladdu ku soo bandhigayso khasaaraha ay gaarsiisey kooxihii ku soo duulay Puntland, gaar ahaana deegaanka Garmaal ayaa ilaa hadda soo bandhigtay Meydka 71 dagaalyahan, Maxaabiis ahaana loo soo qatay 31 Maleeshiyadaas ka mid ah. Wariyaasha ayaa ku soo jeeda magaalada Garoowe, waxaana halkaas ka hadlay Saraakiisha […]

Continue reading …
Doonyo hub sida oo ka dagaya hada magaalada Garacad

Labo doonyood oo hub wada ayaa 30 daqiiqo ka hor ku soo xirtay xeebta magaalada Garacad, sidaasna waxaa u sheegay Puntlandtimes.com mid kamid ah xubnaha maamulka ee magaaladaas hadda dibad joogga ka ah. Saakadii hore warar soo baxay waxay sheegayaan in ay kooxdii shalay magaalada soo gashay ka baxeen, balse hadda warkaas ayaa u muuqda […]

Continue reading …
DAAWO: Amaanka Muqdisho & Fashilka dawladda Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya CabdiXakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ku eedeeyey dawladda Soomaaliya in ay gabtay kaalinteedii ku aadaneyd sidii dalka looga saari lahaa kooxda Shabaab, loogana guuleysan lahaa. Wasiirka ayaa sheegay in ay Xukuumadii uu kamid ahaa ay wax badan ka qabatay dhaqaajinta howlaha la xariira in Shabaab laga saaro gobalada oo dhan, […]

Continue reading …
DAAWO MUUQAAL XASAASI AH: M/weyne Xassan Sheekh oo sheegay in Jagooyinka Wakaaladaha Madax banaan lagu wareejin karo Ajaaniib.

Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hor hadlayay Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay arrin aad ilaa hadda loo fahmi la’ayahay oo ku saabsan in Hay’addaha Madax banaan ee dalka lagu wareejin karo dad aan u dhalan Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan Is aaminsaneyn Soomaalidu, markaasna ay muhiim […]

Continue reading …
DAAWO: Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay Puntland ka tageen maalqabeenadii & Dadkii Aqoonta lahaa!

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Gaas oo ku sugan dalka Canada xiligan ayaa sheegay in Puntland xiligan isugu hareen dad fuquro ah oo aan waxba haysan iyo dad aan aqoon lahayn. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland isaga soo tageen dadkii wax haystay iyo dad aan aqoonba lahayn dadka dalka ku harayna yihiin kuwa fuquro ah oo […]

Continue reading …
FADEEXAD:- Caalamka oo weli hadal haya in Boko Xaraam Soomaaliya lagu tababaro!

Saxaafadda dalalka Galbeedka Afrika iyo weliba kuwo caalamka ah ayaa weli si weynu hadal haya hadal dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, kaas oo ahaa in Boko Xaraam lagu soo tababarey dalka Soomaaliya, taas oo su’aalo badan la iska weydiiyey. Bishii Feberaayo ee aanu soo dhaafnay horaanteedii ayuu ahaa markuu Madaxweynaha […]

Continue reading …
DAAWO MUUQAAL XASAASI AH: Puntland Kaalin maku leedahay Kalluumeysiga Sharci Daradda ah?

Dagaal adag ayaa ku socda Kheyraadka Badda Soomaaliya, waxaana inta badan dhaca wadamada Yurub, Aasiya iyo dawladdaha waa weyn qaarkood, waxaana si gaar ah dhacaas uga socdaa Xeebaha Puntland ku toosan tahay. Marar badan ayaa lasoo qabtay Doonyo Sharci darro u Kalluumeysanayay, mar kastana waxaa lagu eedaynayaa in ay dawladdu qeyb ka tahay arrintan. Barnaamijka […]

Continue reading …
DFS oo dibadda u qaadaysa dhaawacyadii dalka Turkiga

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Somaliya Xaawo Xasan Maxamed, ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii dalka dibadiisa loogu qaadi lahaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho. Qaraxyadii Baydhabo ka dhacay, waxaa ku dhaawacmay dad gaaraya 60 ruux 16 ka mid ah dadkaasi oo dhaawacyadooda ay liitaan ayaa loo […]

Continue reading …
MAQAL XASAASI AH: Baarlamaanka Soomaaliya oo wali ku adkeysanaya In ay Horyimaadan Wasiirka Amniga & Taliyaha Nabadsugida

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay dib u dhigtay fadhigii baarlamaanka oo qorshuhu ahaa in ay soo xaadiraan Wasiirka Amniga & Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee dawladda Soomaaliya, balse ay ka baaqsadeen markii sida la sheegay in ay maalmahan ka war-wareegayaan hortagida baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa diidey in ay sii wadaan fadhigii shalay, waxa ayna sheegeen […]

Continue reading …