/
Home » Archives by category » Warar (Page 3)
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Oo Lagu Soo Rogay Canshuur (Akhriso Waraaqaha Cadeynta Ah)

(HayeNews.com)- Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa dhoor bilood kadib dib uga noqotay Canshuur dhaaf horey loogu sameeyay Gunnada ama mushaarka ay qaataan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ugu sheegay in la joojinayo canshuur dhaafkii loo sameeyay Xildhibaanada Aqalka Hoose. […]

Continue reading …
Imaam Sheekh Bashiir Salaad Oo Ka Bad-baaday Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa (Daawo Sawirro)

(HayeNews.com)-Gudoomiihii hore Dib U Heshiisiinta gobolada Dhaxe Imaam Sheekh Bashiir Salaad Dhoola Yare ayaa ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo, kadib markii gaari uu lahaa loogu xiray Waxyaabaha qarxa. Gaariga Imaamka ayaa qarxay xili uu gurigiisa ku xareestay kana degay, waxaana xiliga gaariga qarxayay ay aheyd xili habeen ah oo la jiifay, […]

Continue reading …
Dowladda Kenya Oo Ciidamo Dheeraad Ah Keenaysa Xaduuda Ay La Wadaagto Soomaaliya

(HayeNews.com)-Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in Ciidamo kale oo dheeraad ah ay geyneyso sohdinta Soomaaliya ay la wadaagto Kenya. Arrintan waxaa ay timid kaddib markii Laanta la dagaallanka Argagixisada Kenya iyo Hay’adda Sirdoonka Dalka Kenya ay sheegeen in Al-shabaab ay qorsheynayaan weerarro ay ka geystaan Mandheera iyo Lamu,taas oo ay sheegeen in ay xogteeda heleen. […]

Continue reading …
Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Xaalada Somaliland, Digniin U Jeediyay Xisbiyada

(HayeNews.com)-Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  Madaxweynaha maamulka Somaliland oo saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu si qoto dheer ugu hadlay Tabashooyin ay muujiyeen Xisbiga wadani oo ka mid ah axsaabta ka qeyb gashay doorashada ka dhacday deegaanada Soomaaliland. Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo hadal Qaaday isku dhacyadii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco […]

Continue reading …
War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Wasiirada Dhalinyarada Iyo Ciyaraaha XFS Iyo Kuwa Maamulada Uga Socday Kismaayo (Akhriso)

(HayeNews.com)-Shir Labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ay ku heshiiyeen dhinacyadii shirka u dhaxeeyay. Shirkaan ayaa u dhaxeeyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo Wasaaradaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Maamul Gobaleedyada Dalka waxaana looga hadlayay Ciyaaraha […]

Continue reading …
Qaramada Midoobay Oo Ku Eedeysay Imaaraadka Carabta In Uu Jabiyay Cuna-qabateynta Hubka Ee Saaran Soomaaliya (Warbixin)

(HayeNews.com)-Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku eedeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jebiso cunaqabateynta Hubka ah ee saran Somaaliya. Qaramada Midoobey waxaa ay Dowladda Imaaraadka ku eedeysay in ay Hub sharci darro ah ka iibiso Maamullada Soomaaliya,sidoo kalena mararka qaar kaalmo ahaan u bixiso. Warbixinta ayaa lagu sheegay in taageerada Imaaraadka ee Maamullada […]

Continue reading …
Madaxweynaha Al-Siisi Masar Oo Fariin Hanjabaad Ah U Diray Dowladaha Sudan Iyo Itoobiya

(HayeNews.com)-Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax al-Siisi ayaa si adag uga hadlay biyo xireenka ay Dowlada Itoobiya ku sameeneyso biyaha Wabiga Niil , waxa uuna Madaxweynaha fariin adag u diray dowladaha Itoobiya iyo Sudan. Cabdifitaax al-Siisi ayaa sheegay in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga […]

Continue reading …
Deg-Deg:- Madaxda Ugu Sareysa Maamulka Hirshabeelle Oo Isku Khilaafsan Magacaabista Golaha Wasiirada (Xog Buuxda)

(HayeNews.com)-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in Madaxda maamulkaasi ay wali isku khilaafsan yihiin Magacaabista Golaha Wasiirada cusub uu maamulkaasi yeelanayo. Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan la qaatay Kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhoor mar isku fahmi waayay magacaabista Golaha Wasiirada, waxaana khilaafka xoogiisa ka taagan yahay tirada Wasiirada laga dhigayo. […]

Continue reading …
Kenya Oo Sheegtay In Hogaamiye Sare Oo Ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab Uu Doonayo In Uu Isaga Baxo

(HayeNews.com)-Ila dhinaca Sirdoonka Kenya ah ayey Dowladda Kenya ku sheegtay in Axmed Iman oo ah Kenyaan ku biiray Al-shabaab uu hadda doonayo in uu ka boxo Al-shabaab kaddib markii uu ku qanci waayay hoggaanka ugu sarreeya Al-shabaab iyo sida ay wax u maamulayaan. Sirdoonka ayaa sheegaya in Axmed Imaan iyo Hoggaanka sare ee Al-shabaab ay […]

Continue reading …
ONLF Oo Beenisay In Aysan MD Farmaajo Iyo RW Kheyre Wax ka Ogeyn Dhiibistii Qalbi-dhagax

(HayeNews.com)-C/Qaadir Sh. Xasan Hirmooge, oo ah Afhayeenka Ururka ONLF ee la dagaallama dowladda Itoobiya ayaa beeniyay hadalkii guddiga baarista Qalbi-dhagax oo sheegay in madaxda sare ee Soomaaliya aysan la socon xog rasmi ahna ka heysan dhiibista Qalbi dhagax. C/Qaadir ayaa sheegay in Qalbi-dhagax laga soo qabtay Gaalkacyo.la soo marsiiyay Cadaado ilaa la keenay Muqdisho islamarkaana […]

Continue reading …