/
Home » Archives by category » Waraka Maanta (Page 2)
DEG-DEG:- Ciidamada Ammaanka Oo Xiray Inta Badan Waddooyinka Muhiimka Ah Ee Muqdisho.

(HayeNews.com)-Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, kaasoo loo diidan yahay inay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha. Waddooyinka xiran ayaa halbowle u ah qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana kala go’an wadada Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama oo waddooyinka yar ee isku xira ay diideen in la maro Ciidamada ammaanka. Ciidamada […]

Continue reading …
Burcad badeed Soomaali Ah Oo Weerar Ku Qaaday Markab Ganacsi.

(HayeNews.com)-Kooxo hubeysan oo ah Burcadbadeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday Markab ganacsi  oo laga leeyahay dalka Singabuur sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dalkaasi. Markabka la weeraray ayaa waxaa lagu magacabaa  MT Leopard Sun,waxaana  kasoo shiraacday xeebaha Dalka Cumaan kuna sii jeeday Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika,kaasoo siday Haamo Kiimiko ah. […]

Continue reading …
Wariye Colaad Oo Ku Geeryooday Muqdisho.

(HayeNews.com)-Wariye Axmed Xasan Colaad oo u shaqeynayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kaddib xanuun ku soo booday sida ay eheladiisa xaqiijiyeen. Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Colaad ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha caanka ahaa ee ka howl galayay Muqdisho, waxaa uu xalay saqdii dhexe ku geeriyooday Isbitaal ku […]

Continue reading …
Shirkii Wasiirada Beeraha Africa Iyo Hay’adda FAO Oo Lagu Soo Gaba-gabeeyay Khartuum (Daawo Sawirro)

(HayeNews.com)-Magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan, ayaa lagu soo gabagabeeyay Shirka ay ka qeybgaleen Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo Madaxda Hey’adda Qaramada Midooway u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee (FAO). Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad waxaa kaloo xiritaankiisii ka qeyb galay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba Siihayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule. Mudadii […]

Continue reading …
Saraakiisha CXD “Hub Ayaan Ka Soo Furanay Kooxda Al-Shabaab”

(HayeNews.com)-Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in Ciidanka Xoogga ay howlgallo ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoostaga Degmooyinka Gobolka Gedo gaar ahaan Baardheere. Saraakiisha ayaa sheegay in howlgala ay ka sameeyeen degaanada kala ah Juungal, Cali Xareed iyo degaano kale, waxaana ay burburiyeen Saldhigyo Al-Shabaab ay […]

Continue reading …
Wasiir Islow, Guddoomiye Yariisow Iyo Taliyaha Booliska Oo Booqday Dhaawacyada Weerarkii Xalay (Daawo Sawirro)

(HayeNews.com)-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay saqdii dhexe ku booqday isbitaallada lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii maqribkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Eng. Yarisow ayaa waxaa booqashada uu ku tagey Isbitaallada ku weheliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka […]

Continue reading …
Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Meydad Hor Leh Oo Saaka Laga Helay Agagaarka Villa Soomaaliya.

(HayeNews.com)-Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya xalay waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weeraro toos ah ay fuliyeen dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab oo soo xirtay dareeska Ciidanka booliiska Soomaaliya. Iska hor imaad saacado qaatay ayaa xalay ka dhacay inta u dhaxeysa albaabka laga galo Madaxtooyada iyo Taalada Dhagax tuur, waxaana markii dambe […]

Continue reading …
Wasiir Islow “Khasaaraha Ugu Badan Qaraxa Dorbin Ayuu Ka Dhashay” (Dhageyso)

(HayeNews.com)-Inta la xaqiijiyay 20 qof ayaa ku geeryooday tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen kadib weerar laba qarax watay oo Al-shabaab ay ku soo qaadeen meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo Hotelka Dorbin oo ku yaalla Agagaarka Isgoyska Jubba. Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar Rasaas ku bilowday ku soo qaaday Taalada dhagaxtuur oo ku […]

Continue reading …
AMISOM Oo Si Bareer Ah U Toogatay Askar Iyo Dad Shacab Ah Bartamaha Muqdisho.

(HayeNews.com)-Kadib markii qaraxyo iyo weerar toos ah xalay fiidkii ururka Al-shabaab ay ku soo qaadeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka baraha Kontoroolada ee Ciidamada ay joogaan. Saraakiisha Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa Ciidamada ku amray in ay adkeeyaan ammaanka goobaha baarista ee ay joogaan, si aanay u dhicin Arbushaad kale, […]

Continue reading …
Wasiir Maareeye “Marna Yeeli Maayo In Somaliland Lagu Soo Xareeyo Gobalka Banaadir” (Dhageyso)

(HayeNews.com)-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka digey in dowlad mucaarad ku ah Somaliland Muqdisho laga dhiso waxana uu ku taliyay in lala galo Somaliland wadahadalo isfaham iyo wax wadaqeybsi ku salaysan. Maxamed Cabdi Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegay in isagu uu yahay shaqsi matala shacabka […]

Continue reading …